Madaxweynaha Jubaland oo baajiyay Socdaalkiisii Dhuusa-Mareeb.

Madaxweynaha Jubaland oo baajiyay Socdaalkiisii Dhuusa-Mareeb.

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa shaaciyay inuu ka baaqanayo ka qeybgalka shirka lagu mideynayo maamulada Galmudug iyo Ahlu-Suna ee ka dhacaya Magaalada Dhuusa Mareeb.

Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu ubaaqanayo Shaqooyin muhiim u ah Maamulkiisa Jubaland oo uu ka qabanayo Magaalada Kismaayo oo Xarun Kumeel gaar ah u ah Maamulka Jubaland.

Sida qorshuhu yahay maalinimada beri ah ayaa waxaa Xarunta Galmudug ka dhaceysa munaasabada ugu danbeysa ee la isugu biirinayo Maamulada Galmudug iyo Ahlu-Suna oo mudo khilaaf udhexeeyay taasoo ugu danbeyn heshiis is afgarad ah laga gaaray Bishii ian dhaaftay ee December.

Axmed Madooobe ayaa sidoo kale waxyaabaha baajiyay safarka uu ku tagi lahaa Magaalada Dhuusa-Mareeb , waxa uu ku sheegay iney qeyb ka tahay safarro uu ku soo kala bixinayo qeybo kamid ah deegaanada uu ka arimiyo maamulkiisa ee kala ah Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo, Maadaama Gobolka Jubada Dhexe dhamaantiis ay Shabaab gacanta ku heyso.

Madaxweynaha Jubaland ayaase sheegay inuu soo dhaweynayo Heshiiska lagu mideynayo labada Maamul, isagoona sheegay inuu yahay mid dhabaha uxaaraya daganaan Siyaasadeed iyo Hormar Gobolka oo sii socdo.

Maamulada Galmudug iyo Ahlu-Suna oo dirirsanaa labadii sano ee ina dhaaftay ayaa ugu danbeyn waxa ay isla meel dhigeen iney ku midoobaan Galmudug, waxaana wadahadalo ka kala dhacaya Magaalooyinka; Nairobi, Jabuuti iyo Muqdisho la isku afgartay iney si wadajir ah ushaqeeyaan.
Madaxweynaha Ahlu-Suana Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa laga dhigay Madaxa Xukuumada Galmudug, wuxuuna Guriceel kaga dhawaaqay in laga guuray Magacii Maamulka Gobolada Dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada