Ciidamada Masar oo Howlgalo ka bilaabay Sinaa iyo Nile Delta.

Ciidamada Masar oo Howlgalo ka bilaabay Sinaa iyo Nile Delta.

daajis.com:- Ciidamada Ammaanka Masar ayaa u ruqaansaday Deegaano ku dhaw Siinaa iyo Nile Delta oo ay ku sugan yihiin Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda, weerarana ku qaada Ciidamada Ammaanka Masaarida.

Waxaa la arkayey Gawaarida dagaalka oo Subaxnimadii Jimcaha ka tagay Saldhigyo kala duwan, una jiheysan Deegaanada bartilmaameedka u ah ee ay ku sugan yihiin kooxaha kasoo horjeeda Dowladda.

War kasoo baxay Militariga Masar ayey ku sheegeen in qorshaha howlgalkooda uu kamid yahay qabsashada Waqooyiga iyo Bartamaha Sinai, iyagoo adeegsanaya Khibradahooda iyo Awoodoodana ay kusoo xeerin doonaan Galbeedka Dooxada Nile.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisii ayaa Ciidamada ammaanka dalkaasi ugu baaqay in ay u tafa-xeetaan sidii ay ku xasilin lahaayeen Gobolka Siinaa oo ay ku sugan yihiin Kooxo Kasoo horjeeda Dowladda Masar, weerarana ku qaada Ciidamada Gobolka ku sugan.

16-kii Madaxweyne Al-Siisii ayaa ku baaqay in fogaan dhan 5KM laga sikiyo Kooxaha weerara Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Al-Cariisha oo dhacda Waqooyiga Masar.

Waxaana Axaddii Todobaadkaan Qarax ka dhacay isla Magaaladaasi ku nafwaayey 2-askari iyo 3 kaloo shacab ahaa, taasina waxay sababtay in Duulaankaan ay abaabulaan Ciidamada.
Madaxweynaha Masar ayaa Xaalad Deg deg ah galiyey Gobolka Siinaa oo dhaca Waqooyiga dalkaasi, sababta ayaa aheyd in ay kordheyn weerarada ay ka geysanayaan Kooxaha kasoo horjeeda Maamulka Madaxweyne Siisii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada