Maxaa kala socotaa Mooshinka ka dhanka ah Imaaraadka oo ay bilaabeen Xildhibaannada Federaalka Somalia?

Maxaa kala socotaa Mooshinka ka dhanka ah Imaaraadka oo ay bilaabeen Xildhibaannada Federaalka Somalia?

daajis.com:- Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa bilaabay diyaarinta Mooshin cusub oo ka dhan ah dowladda Imaaraadka.

Mooshinkan ayaa yimid kadib weerarkii ay ciidamo taabacsan Imaaraadka ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), waxana ujeedkiisu yahay in dowlada Xukuumada Soomaaliya lagu qabso inay tallaabo ka qaado faragelinta Imaaraadka ku hayo arrimaha gudaha dalka.

Xildhibaannada qaarkood ayaa u arka in Imaaraadku uu hadda isu bedelay dal ciidamo ku dhex leh gudaha Muqdisho oo awooda inuu howgollo, dilal qorsheysan iyo xarig ka fuliyo gudaha Muqdisho, iyadoo aanay waxba kala socon dowladda Federaalka.
Waa mooshinkii saddexaad ee ay xildhibaannada ka diyaarinayaan Imaaraadka, iyadoo labadii Mooshin ee hore kuna saabsanaa saldhigga Imaaraadka ee Berbera iyo faraeglinta Imaaraadka ay ku dhammaadeen guddoonka Baarlamaanka oo aan marna la horkeenin fadhiyadii Baarlamaanka sababo jira awgood.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada