Ruuxaani oo Erdogan ka codsatay joojinta howlgalka Cafriin

Ruuxaani oo Erdogan ka codsatay joojinta howlgalka Cafriin

daajis.com:- Madaxweynaha Dalka Iraan Xasan Ruuxaani ayaa dhiggiisa Dalka Turkiga ka codsaday in uu joojiyo dagaalka uu Turkiga ka wado Dalka Syria.

Mr Ruuxaani oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Tehraan ayaa u sheegay Warbaahinta in howlgal kasta oo dibadda laga fulinayo u baahanyahay in oggolaansho looga heysto dalka laga fulinayo isaga oo ula jeeday dowladda Syria.

Dowladda Syria waxaa ay cambaareysay howlgalka uu Turiga ka wado Cafriin ee uu kula dagaallamayo Kurdiyiinta YPG ee xulufada la ah Mareykanka.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in howlgalkaas uu dhimashada ku kordhinayo labada dhinaca loona baahanyahay in uu Turkiga gebagabeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waa naadir in la arko Iraan iyo Mareykanka oo isku aragti ka ah colaadda Syria iyada oo Dowladda Iraan taageerto Dowladda Bishaar Al Asad ee Syria oo diiddan dagaalka Cafriin ka socda.

Ilaa hadda 14 Askari oo Ciidamada Turkiga ah iyo 1,000 ka mid ah Kooxda Kurdiyiinta ayaa u dhintay dagaalka Cafriin sida ay sheegeen kooxda dusha ka socda colaadda Syria ee fadhigoodu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Turkiga iyo Iraan waa labo dal oo diblomaasiyad ahaan aad isugu dhow hayeeshee waxaa ay ku kala argti duwanyihiin colaadda Syria iyada oo Turkiga doonayo in uu talada Siyra banneeyo Asad,halka Iraanna dooneyso in Asad halkiisa joogo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada