Saxiibo Isku Soo Ekaysiiyay Donald Trump iyo Kim Jong Un Oo Khal Khal Galiyay Ciyaaraha olombikada

Saxiibo Isku Soo Ekaysiiyay Donald Trump iyo Kim Jong Un Oo Khal Khal Galiyay Ciyaaraha olombikada

daajis.com:- Labo nin oo saaxiibo ah islamarkaana isu soo ekeysiiyay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya (Donald Trump iyo Kim Jong-un) ayaa khal-khal geliyay ciyaaraha olombikada qaboobaha ee ka socda magaalada Pyeongchang dalkaasi Koonfurta Kuuriya.

Labadan nin oo ay qabteen hay`adaha ammaanka ayaa laga saaray goobta ciyaaraha, waxaana lagu wadaa in lagu dacweeyo booliska si wax looga weydiiyo falka ay ku keceen islamarkaana ay khal-khal ugu abuureen goobta ay ciyaaruhu ka socdaan.

Dhankooda ayay sheegeen nimankani in falkan ay ku keceen ay ula jeedeen oo keliya maadsi ama shactaro islamarkaana ay sii nabadgelyo u hor-seedaan adduunka.
Mid ka mid ah nimankan oo wakaaladda wararka ee Reuters la hadlay islamarkaana diiday in uu shaaciyo magaciisa rasmiga ah ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in ay dambi ku muteystaan dhacdadan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada