7 dhinac oo uu saameyn ku yeellan karo heshiiska Dekedaha ee Imaaraadka!!

7 dhinac oo uu saameyn ku yeellan karo heshiiska Dekedaha ee Imaaraadka!!

daajis.com:-Kaddib heshiis aan Soomaaliya lagu marti soorin oo ay la gaareen qaar kamid ah maamullada dalka dowladda Imaaraadka ayaan isku dayi doonnaa in aan ugu yaraan ka hadalno saameynta uu yeelan karo heshiiskaas

Soomaaliya:- Ra’iisul wasaarraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre ayaa gaashaanka u daruurray heshiiskaas, wuxuuna sheegay in uu yahay baaddil aysan dowladda waxba ka war qabin; waa saameyn inteeda la eg in Soomaaliya oo ka go’da talada dhulkeeda in marti ay ka noqoto heshiis noocaas ah, dhacdadan waxa ay yeelaneysaa saameyn dhinacyo badan taaban karta oo hoos u dhigi karta xiriirka labada dal oo beryihii lasoo dhaafay aad u dabacsanaa.

Soomaaliland:- Tani waxa ay xumeyn kartaa xiriirka u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo Jabbuuti, safarkii ugu horreyay ee madaxwaynaha dhowaan loo doortay Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku aaday Jabbuuti, waxaana loo maleeyaa in ay ka wada xaajoodeen sidii xal suurta gal ah looga heli lahaa heshiiska ay iska gaareen laba dhinac, ama ugu yaraan Jabbuuti looga qeyb gelin lahaa.

JABBUUTI:- heshiis wanaagsan oo ay Jabbuuti kula jirtay dowladaha Imaaraadka, Ethiopia iyo maamulka Soomaaliland ayaa hal mar dabci kara, maaddaama mid kasta oo kamid ah dalalkaas ay isticmaalayeen dekedaha dalkaas, waxaana ay keeni kartaa in xiriirka imaaraadka iyo Jabbuuti ee sii xumaanaya uu meeshii ugu darneyd gaaro, maaddaama suuq xaammi u ahaa uu hadda in uu xirmo qarka u saaran yahay; waa dowladda ugu badan ee uu saameynta Taban ku yaallan doono heshiiska dekedaha Soomaaliya ee uu Imaaraadka ka wado gudaha Soomaaliya.

Eriteria:- waxa aad Is wayddiineysaa sababta uu Eriteria u saameyn karo khilaafka Jabbuuti kala dhexeeya Imaaraadka? Ha yeeshee Isbaheysiga Khaliijku horkacayo ayaa aad uga wel welsan is balaariska Iiraan ee gobolka, maaddaama kal hore ay la wareegeen dekedda Assab ee dalka Eriteria, taas baddalkeeda UEA waxa ay doonayaan meel ugu yaraan laga difaaco Yeman, maaddaama gobolka uu yahay meel istaraatiiji ah oo isku xiri kara gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.

Is balaarrinta Iiraan waxa ay soo dedejinaysaa in Imaaraadka ay ugu yaraan hal ama laba deked ka helaan gobolka, si loollanka Khaliijka iyo iiraan weji cusub u yeesho.

Ethiopia:-  Saameyn wayn ayeey ku yeelaneysaa khilaafka Jabbuuti iyo Imaaraadka, ha yeeshee waxaa is wayddiin mudan saameyn caynkee ah? Ethiopia oo kamid ah dowladaha ay ka go’do siyaasadda gobolka ayaa laalluush ahaan u heshay 19%-kiiba saamiga Dekedda Barbara, taas waxa ay keeneysaa in ay saameyso canshuurta laga qaadi karo shixnaddooda isticmaala Dekedaha Jabbuuti, haddii uu cadaadiska ku batana waxa ay markaas awoodaan in ay ka diga rogtaan maaddaama ay heleen Deked ay lahaansho u dareemayaan.

YEMAN:- Iyadoo xaaladda dalkaas ay tahay mid aad u cakiran, haddana saldhigga Imaaraadka ee Soomaaliya ay ka sameysaneyso iyo khilaafka Jabbuuti kala dhexeeya waxa ay xaaladda ku kordhineysaa karaarka, oo UEA waxa ay markaas awooddaa in si fudud diyaaradaheeda ay u duqeeyaan Yeman, taas oo laftigeeda xiisad kale abuuri karta.


Iiraan:- Siyaasadda gobolka ayaa yeelaneysa loollan aan ahayn, Galbeedka iyo China u dhaxeysa ee Jabbuuti ay marti soortay, waxa ay noqon doontaa Iiraan Vs Khaliijka; taas oo cusbo  ku dareysa dhadhanka siyaasadda gobolka oo in dhowaallaba aan wax xifaaltan iyo loollan aan lahayn.

Saameynta ay Iiraan ku yeelaneyso waa in Khaliijka ay heli karaan meelo ay u adeegsadaan duqeymaha ay ka geysanayaan dalka Yeman, kalka ay la dagaallamayaan Xuutiyiinta Shiicada ah ee Iiraan garabka ka hela.

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada