Madaxweynaha JFS oo la kulmay Sanatar ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Sanatar ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka

daajis.com:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Sanatarka ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadannimada ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sanatar Jeff Merkely ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Soomaaliya markale ay dowladnimadeedii soo noqoto, isagoona ku boggaadiyey dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha dadaalka badan ay ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Jeff Merkely waxa kale oo uu Dowladda ku ammaanay hufnaanta dhaqaalaha isaga oo tusaale usoo qaatay warbixinta hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga ay ka qoreen hanaanka maaliyadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo dadaalka ay dowladdu muujisay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto argagixisada Alshabaab, taas oo furo u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada