Muuqaal: Doorashada dalka Masar oo loo Dareeray iyo Sida wax u dhaceen

Muuqaal: Doorashada dalka Masar oo loo Dareeray iyo Sida wax u dhaceen

daajis.com:- Cod bixiye-yaasha dalka Masar ayaa maanta oo isniin ah u dareeraya goobaha cod bixinta doorashadaas oo ay ka qayb galayaan Madaxweyne Abdel Fatah al-Sisi iyo hal musharax oo la tartamaya. Doorashadaan ayaa kooxaha xuquuqda aadana u dooda ay ku dhaliileen in dadka tartamayaa ay yar yihiin.

Cod bixiye-yaasha dalka masar ayaa kala dooranaya Madaxweynaha talada haya iyo musharraxa kaliya ee la tartamaya.

Moussa Mustafa Moussa waa hoggaamiye xisbi aan aad loo aqoon oo horay u taageeray Madaxweyne Siisi, Ninkaan ayaa ugu dambayntii ku dhawaaqay inuu yahay musharrax la tartamaya Madaxweynaha xilka haya.

Labo musharrax oo kale oo la tartami lahaa Madaxweyne Sisi ayaa isaga haray tartanka, halka mid saddexaad oo ahaa hoggaamiye hore oo militari la xiray, laguna eedeeyay in uu xilka madaxweynenimo u tartamayay asagoon haysan wax fasax ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada