Deg deg: Jawaari oo ogolaaday inuu Iscasilo iyo Wararkii ugu dambeeyay

Deg deg: Jawaari oo ogolaaday inuu Iscasilo iyo Wararkii ugu dambeeyay

daajis.com:-  Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu aqbalay inuu is casilo, kaddib wada xaajood xalay saqdii dhexe socday.

Waxaa la sheegay  in kulan xalay dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari la isku afgartay in xaalada taagan la soo afjaro, iyadoo uu aqbalay  Gudoomiye Jawaari inuu is casilo.

Wada hadalada ayaa la filayaa in maanta uu ku soo biiro Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana jiri doono kulan gaar ah oo ay qaadan doonaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Saddexda Guddoon.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyay in Mr Jawaari uu aqbalay inuu is casilo, Sidoo kale Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Jawaari is casilay, isla markaana la laalay Mooshinkii.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan xarunta golaha Shacabka ayaa  sheegay in Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey u yimid xarunta golaha Shacabkana una aqriyay Warqada is casilaada.

Gudoomiye Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu is casilay isaguna uu ka aqbalay, waxa uuna ka dalbaday Xildhibaanadii joogay xarunta golaha shacabka in ay kala tagaan .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada