Muuqaal: Reer Muqdisho oo Siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii uu Gudoomiye Jawaari Xilka isaga Casilay

Muuqaal: Reer Muqdisho oo Siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii uu Gudoomiye Jawaari Xilka isaga Casilay

daajis.com:-Gudoomiyaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saakay is casilay,waxaana is casilaada kadib baaqday kulan la filayay in Xildhibaanada ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ugana doodaan Mooshinka.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana si weyn usoo dhaweeyay Go’aanka uu qaatay Jawaari uu isku casilay, waxa ayna shacabku sheegeen inay Muujinayso Bisaylka Siyaasadeed ee dalka gaadhay.

“Dalkani marnaba dib uma laaban doono, Wuxuu u socon doonaa Horay, XIldhibaanadii Fikerka ku kala baydhay waa inay Midoobaan oo doortaan Gudoomiye wanaagsan.”

Isbadal weyn ayaana maanta laga dareemayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinkii xidhnaa oo la furay, waxaana inta badan goobaha ay dadku isugu tagaan lagu hadal hayaa is casilaada Gudoomiyihii Baarlamaanka Jawaari.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada