Xog:- Wararkii ugu dambeeyey Kalkaalisada Jarmalka ah ee Muqdisho lagu afduubtay

Xog:- Wararkii ugu dambeeyey Kalkaalisada Jarmalka ah ee Muqdisho lagu afduubtay

daajis.com:-  Haweeney u dhalatay Jarmalka oo ah kalkaaliso caafimaad oo u shaqeyneysay Hay’adda ICRC, lagna afduubtay xarunta ururkaasi ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad laga helay.

Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Sonja Nientiet, waxayna Hay’adda ICRC u shaqeyneysay ilaa sanadkii 2014, waxayna kasoo shaqeysay dalalka qalalaasaha ka jiraan sida Syria iyo the Democratic Republic of Congo.



Toddobaadkan oo ay magaalada Muqdisho timid ayaa la sheegay inay tababar ku saabsan gargaarka degdega ah siineysay Shaqaalaha Soomaaliya ah, waxayna sidoo kale caawineysay bukaanada isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka.
Wasiirak Arrimaha dibadda Germany Heiko Maas ayaa ka sheegayay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya in dowladda Germany aysan wax faahfaahin ah ka bixineynin afduubka lagu kacay muwaadinka Jarmalka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada