Xog Cusub: Abiy Ahmed oo Muuse Biixi ku ciqaabaya xiriir uu la sameeyey Gaas, Xasan Sheekh iyo Madoobe

Xog Cusub: Abiy Ahmed oo Muuse Biixi ku ciqaabaya xiriir uu la sameeyey Gaas, Xasan Sheekh iyo Madoobe

daajis.com:- Maamulka Somaliland ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Xogtan xasaasiga ah ee aan helnay ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu ciqaabayo dowladda Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in tani ay tahay dharbaax lama filaan ah oo madaxweynaha Somaliland kaga timid Abiy Ahmed, oo sidoo kale ciidamada Liyu Boolis usoo diray xuduudda si ay u kala dhex-galaan beelaha Dhulbahante ee dagaalamaya, taasi oo Somaliland ka carreysiisay.

Sida aan xogta ku helnay, Abiy Ahmed ayaa rumeysan in Somaliland ay xasilooni darro siyaasadeed ku abuureyso dowladda dhexe ee Muqdisho.

Ethiopia, ayaa sida aan xogta ku helnay ogaatay, in Muuse Biixi uu xiriir hoose la sameeyey Axmed Madoobe, Cabdi Weli Gaas iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo qorshuhuna yahay in loo midoobo cadaadis ka dhan ah dowladda Farmaajo.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay, uuna haysto taageerada madaxweynaha dowladda Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Dhulbahante ee ku dagaalamaya gobolka Soo lee Somaliland ay sheegato, kuwaas oo lagu heshiisinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Muuse Biixi.
Muuse Biixi, oo sida la sheegay garwaaqsaday dhaawaca siyaasadeed ee dagaalka beelaha Dhulbahante uu gaarsiiyey, ayaa isku halaynaya afhayeenka baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo beeshaas kasoo jeeda, isagoo doonaya inuu dhex-dhexaadiyo Dhulbahante, qorshahaas oo ilaa hadda aan lagu guuleysan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada