Alshabaab: Waan Dileynaa Dennis Alex

Alshabaab: Waan Dileynaa Dennis Alex

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay go’aan ku gaareen inay dilaan la-heystaha Faransiiska ah ee lagu magacaabo Dennis Alex, ka dib markii uu guul dareystay weerarkii soo furashadiisa ee ay ciidamada Faransiisku ku qaadeen degmada Buula-mareer ee gobalka Sh/Hoose.
 
Hadal qoraal ah oo Arbacadan maanta ah ay soo saartay kooxdu ayaa waxaa lagu sheegay in Alshabaab go’aan loo dhanyahay ay ku gaareen in la dilo Denis Alex. Kooxda Alshabaab ayaa ninkan Faransiiska waxa ay gacanta ku hayeen tan iyo bishii July ee sanadkii 2009-kii waqtigaas oo ay ka soo afduubteen hotel ku yaala magaalda Muqdisho, markii ugu danbeysay ee muuqa Alex la arkana waxa ay ahayd bishii October ee sanadkii hore waqtigaas oo la baahiyey cajalad fiidiyow ah oo laga duubay.
 
Dennis Alex waxa uu ka mid ahaa koox tababareyaal ah oo Muqdisho u joogay inay tababaraan ciidamada dowladda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda Alshabaab.
 
Faransiiska oo mudaba ku raadjoogay meesha lagu hayo Dennis Alex, ayaa Jimcihii la soo dhaafay qaaday weerar ay damacsanaayeen inay ku soo furtaan, waxaana weerarkaas oo guuldareystay ku dhintay laba askari oo Faransiis ah iyo 17 Soomaali ah.
 
Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay weerarka ka dib in Dennis Alex uu dhintay, kooxda Alshabaabna waxa ay sheegeen in Alex uu weli nool yahay, walow aaney soo bandhigin wax cadeynaya noloshiisa.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada