Daawo Video Mataano Dhago La’ Oo Markii Lagu Wargaliyey Inay Indho Beelayaan Dalbaday In La Dilo (Video+ Warbixin)

Daawo Video Mataano Dhago La’ Oo Markii Lagu Wargaliyey Inay Indho Beelayaan Dalbaday In La Dilo (Video+ Warbixin)

Marc iyo Eddy Verbessem oo 45 jir ah oo labadooduba ku dhashay dhago la’aan ayaa dalbaday in noloshooda la soo afjaro kadib markii dhakhtar uu ku wargaliyey inay indho beelayaan.

Waxa ay doonayeen inay si wada jir ah u wada qaataan nolosha inta uga hadhay, iyaga oo wadaagi jiray hal guri si wada jir ahna u wada shaqaysan jiray, walaaladan ayuu digtoor ku wargaliyey in aanay awoodi doonin in midba midka kale uu arko, sida uu qoray Wargeyska ka soo baxa Magaalada London ee Daily Telegraph.

Labadan Nin ee Mataanaha ayaa aad isku jeclaa isla markaana ku fikiray mar hadii sida kaliya ee ay u wada xidhiidhi jireen ay ahayd aragtida iyo faraha ay hada dhimasho ka doorbidayaan inay silic ku noolaadaan. In qofka la dilo oo irbad lagu mudo hadii noloshu ku adkaato ayaa sharci ka ah dalka Belgium.

Halkaan Ka Daawo muuqaalka Mataanahaan Oo Wareysi Xasaasi Lala Yeeshay. 

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada