Eey u muuqaal eg Libaax oo dad badan ka yaabsaday & Ciidamada Booliiska oo la wacay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Eey u muuqaal eg Libaax oo dad badan ka yaabsaday & Ciidamada Booliiska oo la wacay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Dad ku nool magaalada Virginia ee dalka Mareeykanka ayaa Ciidamada Booliiska gobolkaas waxa ay ku war galiyeen in ay indhahooda ku arkeen Libaax magaalada dhex ordaya balse Ciidamadii Booliiska ahaa ayaa markii ay yimaadeen goobtii waxa uu noqday Libaaxii la sheegayaa Eeey. 

Eeygaan oo lagu magacaabo Labradoodle Charles waxa uu qaab ahaan u eg yahay Libaax wuxuuna noqday maalmahaan dambe midka ugu hadal heeynta badnaa dhanka Telefishinada Caalamka. 

Ninka iska leh Eeygaan u muuqaalka eg Libaaxa waxaa lagu magacaabaa Daniel Painter wuxuuna Lacag kaga dhergay Saxaafada oo wareeysiyo kala duwan ka qaaday. Waa markii ugu horeeysay inta Taariikhda la og yahay oo la arko Eey u muuqaal eg Libaax waliba cabsi galiya dadka maraya dariiqa. 

Qaar ka tirsan Saxaafada ayaa qortay in laga yaabo in Meni Libaax ay ku jirto Eeygaan halka qaar kale ay shaaciyeen in Eeygaan qaabka timaha loogu jaray ay soo dadajisay in uu si weeyn ugu ekaado Libaax. 

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada