Gabar Maraykanka ka timid oo Ilkaheeda dartooda Guurkeda ku seegi gaartay dhacdo yaab leh

Gabar Maraykanka ka timid oo Ilkaheeda dartooda Guurkeda ku seegi gaartay dhacdo yaab leh


Waxaa Sanadihii ugu dambeyay xerooyinka Qaxootiga dhadhaab kusoo badanayay Gabdho iyo wiilal somaliyeed oo guurdoon uso gaara Qaarada africa. 

Dhalinta qurbaha ka yimaada ayaa waxa ey badanaba fursad raqiis ah ku helaan gayaankooda o eey guursani lahaayeen taa oo u fududeysay dhaqalaha ama dhan dhanaanka eey kala yimaadan dalalka yurubta. waxaana ey si fudud ku helaan gabadha ama wiilka ey guursani lahaayeen.


Waxey eheed sanada 2012 bilowgiisa markii Gabar somaliyeed eey soo gaartay xerooyinka qaxotiga taa oo dooneysay in eey la aqal gasho wiilka eey nolosha la qeeybsani laheyd kaa oo mudo 4 sano ah eey jaceyl isla soo jilayeen, Lamana yaashaan ayaa waxa eey ku wada sugnaani jireen xeroyinka qaxotiga waxana eey isla soo mareen intey gabadha ka dhoofin xerooyinka kalgaceyl kii ugu qiima badnaa. Dhamaan dadka kusugan xerooyinka ayaa waxa eey u hanqal taagaan in eey u dhoofan dal shisheeye halkaa oo eey kahelaan nolo dhaanta tan eey ku heystaan xerooyinka ama se aan ka jirin dalkeenii hooyo wayo dalka waxa uu kusugnaa dagaalo iyo burbur.

Mucaashaqiintii is doortay ee nolosha qaxootiga ku wada qanacsanaa waxaa kala geeyay dalka Mareekanka waxaana halkaas ku dhoftay gabadhii. Waqtigu wuxuu socdaba,sii siqo saacaduhuna is jaraan, Sanadba sanad kusii simey, Saaxibadiina salaan iyo seetahay isudiraan.waxa la gaaray xiligii gabadha eey dib ugu soo laabani laheyd oo nolosha dhabta ah eey u wada qaadani lahaayeen iyagoona fulinaayo Wajibaadka iyo sunooyinka rasuulkeena (saw).

Bilowgii 2012 waxa uu u dhoofay wiilkii qaxotiga ahaa casimada nairobi si uu u soo iibsado qalabkii Guriga iyo dhamaan wixii uu islahaa wa eey farxad gelinayaa Gacalisadaada. waxa uu jeexay guri kii ugu qiimaha badnaa dunida qalabkii ugu qiima badnaana wa uu keenay isagoo qalbiga u shegaya Gabadh tii ugu qiima badneyd iney usoo galbaneyso. (Ala yaa u sheega, in Dalalka yurubta isbedelo kadheceen).

Bishii lixiid isla sanadaa 2012ka ayaa waxaa soo caga dhigatay Lajeceley diyaaradii waday waxaana ey ka soo degtay mid ka mid ah garoomada wa weey ee nairobi. Waxaa garoonka saacado ka hore inta eey diyaarada so degin soo gaaray Lajecely wiilka eey mustaqbalka la qeeybsani laheyd oo farxad intey ka bad badatay xitaa kala garani wayay in uu qaxootinimo ku jogo dalka iyo inkale.

Markey Lajeceley kaso muqatay ilinka Diyaarad/duyurada waxa is heyni wayay ninkii raga ahaa, afka ayuu furtay oohin iyo farxad wax loo kala garani wayay waxana uu isku dayay in uu noqdo qofka ugu horeya ee gacanta gabadha taabta.

Ileen dhankeena unbaan arinta ka eegeynee Lajeceleyna ilinta ayaa sidii wabiga Jubba aga qul quleysa o wa eey is xajini la’dahayd.

waxaa eey soo wajahday dhanka eheladeda ey taagnaayeen waxaana halkaasi joogey Aabaheda, iyo wiilka reerkooda markeyg goobta soo gaartay ayaa waxa eey isku duubtay Gacaliyaheeda waxana eey ilaaween in ey joogaan eheladii kale o salaan sugaayo kadib salaantii waxaa loo soo dhaqaaqay dhankii iyo islii si loogu nasto mudo laba malin ah kadibna xeroyinka dhadhaab loogu aqal galo.

Jaceylka leesku qabo waxaad ka qayasi kartaa markii laga so tagaayay garoonka diyaaradaha waxaa mucaashaqiinta keligood eey so qateen taksi halka reerka eey ku wargeliyeen iyaguna in eey taksi qaataan wayo marabaan in labadooda mooyee qofkale sheekada ka soo dhex galo.

waxaa la gaaray malintii loo soo ambabixi lahaa xerooyinka dhadhaab halkaas oo noqoni laheyd halkii balantii lakala qaatay 4 sano ka hore lagu oofini lahaa.

Gabadha hadii aan wax kaaga tilmaamo intaan gudaha usii gudagelin sheekada waxa eey eheed gabar 25 jir ah dheerarkeedana dhexdhexaad yahay, indhaha eey yihiin kuwii ragu ugu jeclaa dunida. Hadalkeeda walow uu ku qasnaa lahjada mareekanka waxa uu ahaa codadka dumarka kan ugu qiimo iyo dhageysiga wacan. Daweecad iyo deganaana waxa ey tahay mid rabi ku maneystay waxaaba intaas dheer waxa ey leheed arimo marka wiil africa joogo loo sheego uusan ku fikireynin in ey ka fakato taasoo kale arintas oo aheyd in gabadha eey ka imaatay Dalalka ey dadka xerooyinka joogaan u wada waalanayaan oo uu ugu dhacay cudurka bufiska ah.

Labadii malin ee islii lagu sugna wiilka iyo gabadha qolkoodii kama eysan so bixin oo waxa halkaasi laga daremayay kalgacyl iyo is kool koolin waxaaba mooda in eey todobada halkaasi ku galen.

Lakala war la!!!!!!

waxaa si dag dag ah go’aan u qaatay oo buuga guurka iyo kan jacylkaba baalasha u laabay wiilkii guursani rabay inantu gaclooday waxaana uu ku wargeliyay ehelkiisii iyo inanta aabahed in uusan gur diyaar u eheen taa oo uusan sabab u yeelin waxana uu subaxii xigay kuso dhacay bas ka mid ah basaska iskaga goosha nairobi iyo xerooyinka dhadhaab. waxa sualo iyo canaan fara badan dusha looga tuuray koleyba qofkii gobta joogee. inantii ayaa sualo aabaheeda iyo ehelka wiilka ku bilaaween iyadoo aad moodo in eysan 10 sano waxna cunin waxna cabin.

wiilkii ayaa waxa malintii xigtay ka daba baxay rerkii oo idil iyo inantii uu jeclaa waxaana ey si nabad ah ku gaareen gurigoodii waxana eey la kulmeen gabadha gacaliyaheda oo jiifa qolki uu ugu tala galay in eey ku aqal galaan. waxa isku duubtay o oohin afka furatay lajeceley ina Mareekan. balse taa waxbo kama uu san dareemin wiilka waxana eey u soo bandhigtay in uu u cadeyo waxa uu u qaatay fikirkaan qaldan oo ah in u usocidleyo islii oona uu ka so tago. Aabaheed ayaa isla markiiba so galay isagoon ka jabaabin wax sual ah waxaana eey dhinacyada ka galeen wiilki oo odaygii ayaa dhulka isudhigay o kuyiri aabe gabdhadheyda adiga mooyee qofkale ma aamin sana in uu dhaqi karo ilaa mudana waad isla soo socoteen ee wax waliba wan hagaajineynaa ee wa maxay waxa aad tawaneyso.

wiilki intuu daremay xanuunka walidka ayaa waxa u ku yiri Ma filaayo in eey xaas i noqoni karto misne caruurteyda waalid u noqoni karto wayo dhaqanka eey kala timid dalalka gaalada ayaa ah mid aan xamili karin ama u suurta gelini karin in eey nolol ila qebsato. waxaana intaa uu raaciyay Fiiri AFKEEDA ma gabadhaadii qiimaha iyo quruxda badneyd ayaa ah tani? Qof ku kalsoonaani wayay quruxduu ilaahey u dhaliay miyaad leedahay wa qof aan ku kalsonani karo in tarbiyada caruurteyda eey xafido………….!!! Maya! Maya! Maya ma filaayo in aan Guur wadaagi karno walaashey ha iga raali noqoto wayo qof afka biro kuxirxirtay mafilayo in aan guri la geli karo! waxaa markey intaas maqashay hadal la so boday “Aaabe naga yara raali noqo isku keen daa aniga iyo Gacaliyaheyga”. waxa dibada u luuday odaygii o yaaban murugo iyo walwal la soo darsen lana yaaban dhaqanka foosha xun ee laga so barto wadamada shisheeye iyo tan maanta heysata. Isagoo Alle baryaya aya waxa uu yiri rabi tan intey rumowi laheyd nafta iga siib.

“Abowe dalka aan ka imaaday wa dal qof waliba qalbiga looga beeray in dunida ey hormartay oo wax waliba ey surta galyihiin. waxana aan u xirtay kuulasha ilkaha (TEETH BRACES) si aan u buuxiyo aana usimo ilkaha wayo ilkaheyga wa eey kala fogayen wana eey kala jed jeeden marka dalka marekanka wa ku ceeb in lagugu arko ilko nocaasoo kale ah sidas ayaa igu qasabtay waxana la iga furi bishan fooda nagu so heysa haduu rabi idmo marka gacaliye hadad tani ka xuntahay xitaa hadeer wan iska furi karaa oo ma ahan wax ilkaheyga ku dhegan. Gacaliye sharafteyda dhulka hala gelin adna murugo iyo fikir ha isku beerin indhaha bulshadana ha inagu so jeedin ilaa hada lama fahmin arinteena farxadeena hanaga dhex gelin.

Waxa uu usoo jilcay gabadhii waxana uu yiri waxaan ka codsanaya in aad sida dhaqsiyaha ah ku saarto hadii eysan eheen wax ilka ku tolan. waxana eey isla garteen in eey guurkodii isbuuc dib u dhigan nairobina dib ugu so laabtaan.

“Hadaba Gabdhaha iyo wiilasha qurbaha jooga ee dhaqanka wadamada kale hey’sta waxaan u dirayaa anigaa arkay xanuunka uu leeyahay dhaqankaagoo laga tago waxan idin dhihi lahaa dhaqanka wa guul iyo hormar ee weligiin adkeya” waxaa tiri gabadhii aragtay kuleelka dabka


Fadlan Like Iyo Share si aad asxaabtada inTa internetka iSticmaasho ugu gudbiso Jazakallah


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada