Haweeney ku nool Mareykanka oo Caadeysatey inay cunto timaha Bisadaha arintaas oo ay la yaab Noqotay (Video+Warbiixn)

Haweeney ku nool Mareykanka oo Caadeysatey inay cunto timaha Bisadaha arintaas oo ay la yaab Noqotay (Video+Warbiixn)

Haweeney ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay caadeysatey oo ay jeceshahay inay cunto timaha mukulaalaha ama bisadaha arintaas oo ay la yaabeen dad badan oo ku nool aduunka.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Lisa oo 43 sano jir ah kuna nool magaalada Detroit ee gobolka Michigan ee dalkaas Mareykanka oo lagu soo bandhigay barnaamijka lagu magacaabo My Strange Addiction ama (caadadeyda la yaabka leh) ee ka baxa telefishinka TLC ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay jeceshahay oo ay ka hesho inay cunto timaha mukulaalaha ama yaanyuurada iyadoona sheegatay inay timaha bisaduhu ay yihiiin wax cajiib ah oo macaan islamarkaana u wanaagsan dhadhankooda carabka, Haweeneydaan oo leh bisad ayaa waxay timaha bisadaas ay ka soo aruursataa meelaha ka mid ah guriga ee ay ku daateen timaha yaanyuurtaas iyadoo ka dibna cunto timahaas, Haweeneydaan oo mudo ilaa iyo 15 sano ka badan cuneysay timahaas ayaa waxaa la sheegay inay maalin kasta ay cunto kuus ka mid ah timaha ka rifmay mukulaashaas iyadoona sheegtay inay labadii saacadoodba ay mar u baahan tahay inay cunto timahaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaan ay sheegtay ina cunitaanka timaha mukulaashu ay yihiin kuwo raaxo leh oo uuna qofku dareemaayo nasasho ayey haweeneydaan marka ay weyso timahaas oo daadsan guriga dhexdiisa waxay isticmaashaa inay leefto bisadeeda oo ayna ku qaadato carabkeeda timaha mukulaashaas oo fresh ah iyadoona sheegtay inay yihiin kuwo noocaas ah timaha ugu wanaagsan ee ay cunto haweeneydaan iyadoo ku tilmaantey timahaasi inay la mid yihiin oo kale sidii suufka oo kale, Barenaamijka ku saabsan haweeneydaan timaha cuneyso oo faahfaahsan ayaa waxaa uu ka bix i doonaa teleefishinkaas TLC bisha soo socoto ee Feberaayo 13 keeda hadii alle idmo.




_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada