Hey’adda MSF oo baneysay xarun weyn oo ay Muqdisho ku laheyd iyo sababaha oo lacadeeyay.

Hey’adda MSF oo baneysay xarun weyn oo ay Muqdisho ku laheyd iyo sababaha oo lacadeeyay.

Hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF France ayaa waxa ay baneysay xaruntedii degmada Dayniille ee gobalka Banaadir sababo laxariira amaanka kadib markii xarunta gudeheeda laba askari oo katirsan Meleteriga Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen ayna isku dhaawaceen.

Saraakiisha hey’adda oo markii horaba lasheegay xarunta halkaasi ay ku lahaayeen in ay xoog ku heesteen oo aysan kala macaamilin dhulka qoyskii lahaa muda ka badan hal sanana si sharci darra ah ugu shaqeyneysay ayaa waxa ay gudoomiyaha degmada u sheegeen in ay shaqaada joojiyeen dibna aysan uga howl geli doonin halkaasi hadii aan amaanka wax laga bedelin.

Ila wareedya lagu kalsoonyahay ayaa waxa ay sheegeen xarunta alaabada leesugu dhuftay ee MSF oo ku taalla xaafada Raadeelka ay dhulkeeda leeyihiin qoys sabool ah oo kunool meel aan sidaa uga fogeyn si xoog ahna looga qaatay iyada oo cid kala macaamishay aysan jirin.

“MSF France xaruma kale ayeey Muqdisho ku leedahay qarash ayeeyna kabixiyaan ee innaga maxey naga doonayaan mey xaquuqdeenna nasiiyaan? Misa ayaga ayaaba dadka xoogaya oo uma soo bixin in ay dadka caawiyaan?”, sidaa waxaa isweydiiyay mid kamid ah qoyska MSF ay ka boobtay xarunteeda Deyniille.

Si kastaba albaaba isugu dhufashada xarunta MSF France ee degmada Dayniille ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo MSF qeyba badan oo kamid ah gobalada dhexe ee Soomaaliya xaruma ay ku lahaayen ay baneeyeen.

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada