Hooyo iyo 7-Caruur Oo eey Dhashay oo Lagu riday Xukun Dheer Kadib Markii ee Ka Baxeen Diinta Islaamka

Hooyo iyo 7-Caruur Oo eey Dhashay oo Lagu riday Xukun Dheer Kadib Markii ee Ka Baxeen Diinta Islaamka

Hooyo iyo toddoba carruur ah oo ay dhashay oo ka soo jeeda dalka Masar, ayaa lagu xukumay 15 sanno oo xadhig ah, kadib markii ay ka baxeen diinta islaamka, kuna dhawaaqeen inay
diinta Kiristaanka.

Hooyadan oo magaceeda la yidhaa Nadiya Maxamed Cali oo markii hore ku barbaartay diinta Kiristanka, balse 23 sanno ka hor gashay diinta islaamka markii uu guursaday Maxamed Cabdelwahhab Mustafa oo muslim ah, ayaa ku dhawaaqday dhowaan in iyada iyo toddoba carruur ah oo ay dhashay ka baxeen islaamnimada, kadib markii saygeedii geeriyooday.

Haweenaydan ayaa geeridii ninkeeda kadib waxay qorshaysatay inay iyada iyo carruurteeduba dib ugu noqdaan diinta Kiristaanka. Haseyeeshee, Maxkamadda Dembiyada ee degaanka Beni Suef oo ku taal badhtamaha dalka Masar, ayaa 15 sannadood oo xadhig ah ku xukuntay toddobaadkii hore, kadib markii ciidammada bilaysku ogaadeen inay ka baxday diinta.

Sidoo kale, toddobo qof oo haweenaydan la wadaagayey dacwadda lagu soo oogay, ayaa iyagana midkiiba lagu xukumay 5 sanno oo xabsi ah.

Tallaabada fool-xumada leh ee hooyadaasi ku kacday ayaa soo ifbaxay, kadib markii ay iyada iyo qoyskeedu isku dayeen inay qataan kaadh dhalasho oo cusub sannadkii 2004-kii.

Sida uu baahiyey telefiishanka Sku News mid ka mid ah carruurteeda ayaa hal sanno kadib markay diinta islaamka ka baxeen xabsiga loo taxaabay, kadib markii la ogaaday dokumantiyadiisa oo uu si sharci darro ah u beddelay, iyadoo ciidammada bilayskuna ka war heleen inuu magaciisa beddelay._

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada