MSF oo Joojisay Howlihii ay ka Waday Baladweyne

MSF oo Joojisay Howlihii ay ka Waday Baladweyne


Hay’adda MSF ee Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ayaa maanta si rasmi ah u joojisay howlihii ay ka waday cusbitaalka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiran, magaalada ayaa waxaa ku nool dad lagu qoyaasayo ku dhawaad 300 oo Kun oo qof.

Hay’adda ayaa sheegtay in sababo dhaqaale ay u joojineyso howlihii ay ka waday cusbitalka guud ee Beledweyne, waxaana durbadii dadka gobolka ay bilaabeen dadaal ku wajahan sidii cusbitaalka looga caawin lahaa in howsha uu u hayo bulshada uu sii wado.

Wariyaha VOA ee Baladeyne Xuseen Xasan Dhaqane ayaa ku soo waramaya in shirar looga arinsanayo kaalinta ay dad weynaha Baladweyne ka qaadan karaan helitaanka dhaqaale lagu taageero isbitaalka ay ka socdaan gudaha isbitaalka magaalada Baladwene.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada