Muranka Golaha Deegaanka Degmada Saylac

Muranka Golaha Deegaanka Degmada Saylac

Dagmada Saylac

10 xubnoo oo ka tirsan goaha deegaanka degmada Seylac ee gobolka Awdal ayaa maanta doortay duqa degmada Saylac iyo kuxigeenkiisa, balse magacaabistaasi waxaa diiday oo 7 xubnood oo iyaguna ka tirsan golahaasi.

Arrintan ayaa cirka ku sii shareertay murankii maalmahan ka taagnaa golaha deegaanka Saylac kadib doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ka dhacay sannadkii hore Somaliland.

Wafdi ka socday maamulka Somalilan doo horkacayay madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa ku soo noqday Haregsa kadib markii ay tageen Borame si ay xal u helaan arrimaha ka taagan Saylac.

Wafdigan ayaa galabta Hargeysa ku soo noqday iyagoo faro maran oo aan wax horumar ah ka gaadhin xal u helida arrimaha ka taagan Saylac.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada