NIN SI KIBIR LEH ALLE UGU CAROODAY IYO ALLE OO BAD BAADIYAY NINKAAS ( QISO CAJIIB AH)

NIN SI KIBIR LEH ALLE UGU CAROODAY IYO ALLE OO BAD BAADIYAY NINKAAS ( QISO CAJIIB AH)

Nin ayaa maalin maal-maha kamid ah soo raacay Doon, doontaas waxaa saarnaa dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib matay, dhamaan dadkii oo idil waxay noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii.

Xeeb ayuu kusoo gaaray si naf la-caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iskaba daayee. Rafaad iyo silac fara-badan kadib ayuu wuxuu bilaabay inuu dhisto daash isago oo soo uruursaday xaabo.

Gaajo ayaa qabatay wuxuu ku dhaqaaqay bal inuu raadsado geed miro la-cuno leh.

Hase ahaatee wuxuu dib ugu soo laabtay daashkii oo gubanaaya, markaas buu wuxuu yiri “Allow Maxaa sidaan igu gashay”. Habeenkii wuxuu seexday daashkii uu dhistay meel aanan ka fogeyn, subixii ayuu wuxuu kusoo kacay qeylada markab soo gaaray goobtii uu joogay.

Raggii Markabka saarnaa ayaa soo bad baadiyay, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri “war niman yahow sidee ku ogaateen inaan joogo goobtaas” waxay ugu jawaabeyn anagoo mareyno meel fog ayaa waxaa xalay aragnay Qiiq iyo holac hawada

isku shareeray, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u baahan caawinaad ee ina keenay, sidii ayaa kuugu imaanay kuuguna soo bad baadinay.

Fiiro-: hadaba Ilaahay (sw) wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan filaneynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go’aankiisa. Ninkaan wuxuu ka xanaaqay daashkii laga gubay balse Ilaahay (sw) wuxuu dabkaas ugu badalay badbaado iyo isago oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtay. Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la’aan is dhiibno, lagana yaabo inuu Ilaahay (sw) wanaag noo soo wado.

Aisha Mohamed


Gaarsii Dhamaan Asxaabtaada inTa internetka iSticmaasho (share and tag ..) Jazakallah

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada