Qiso cajiiba oo naxdin iyo murugo leh oo ka dhacday dalka South Africa iyo warbaahinta caalamka oo aad u hadal haya ( Daawo Video)

Qiso cajiiba oo naxdin iyo murugo leh oo ka dhacday dalka South Africa iyo warbaahinta caalamka oo aad u hadal haya ( Daawo Video)

Dalka South Africa (koonfur Afrika) waxaan qisadan aad wax uga qoray warbaahina caalamka. Mid tan la mida ayaa iyana ka dhacday dalka Ruushka qiyaastii bil ka hor. Qisadan oo film laga sameeyey hoos ka daawo!!!


Nin da´diisu tahay 50 jir, oo u dhashay dalka koonfur Afrika, deggen tuulada LIbode ee gobolka Transkei region (Eastern Cape) Transkei ayaa waxaa qabatay oo ku dhacday xiiq adag, kadibbna uu miyir beelay. Reerkiisii markii ay arkeen in uu miyir beelay, ayey is yidhaahdeen, waakaas oo naftii ka baxday. Xaaladu markii ay halkaa maraysay, ayey ugu yeedheen, shirkad gaar loo leeyahay (private) oo qolada meydka qaada.


Darawalkii baaburka maydka lagu qaado waday, ayaa waxa uu eegay ama baadhay (jeekin) ninkan meydka ah in uu wadanuhiisu garaacayo iyo in kale. Ninkii darawalka aha wuxuu ka waayey, wax garaaca, wadnuhuna wuu istaagay oo muu shaqaynayn. Intaa ka dib waxa ay ninkii ku qaadeen gaadhiigii meydka lagu qaadayey, waxayna markii danbe geeyeen oo meydkii dhigeen oo ku rideen talaagada meydka lagu rido inta la sugayo diyaarinta xabaasha. Haddaba markii ay ka soo wareegtay muddo 24 saacadood ayaa waxaa sw Ilaahay qadarkii, waxaa soo baraarugay/toosay, ninkii 50, jirka ahaa , ee la isku wada raacay in uu dhintay. Waxaanu bilaabay in uu garaaco meeshii taalaadaga ahayd ee lagu riday, waad garan kartaan ama qiyaasi kartaan xaalada intaa le´eeg .

Talaagada qabowgeedu aad u sareeyo oo maro la huwiyey mooyee aanay wax kale huwanayn. Qoladii shaqaalaha ayaa naxday oo yaabtay, muxuu ahaa, qofkan ka dhex qaylinaya talaagada ee leh iga fura oo iga saara meesha. Nafi orod bay kugu aamintaa ayey tidhaahdaa soomaalidu. Labadii nin ee shaqaalaha orodbay isa sii daayeen, oo meeshii way ka carareen, iyagoo moodaya in meesha ay soo galeen Rooxaano (shayaadiin).

Labadii nin ee shaqaalaha , siday u sii ordayeen ayey u tageen, ninkii meesha shirkada meydka qaada lahaa oo u sheegeen waxan soo eryaday. Isagiibaa baqay oo is yidhi talow, waxan shaqaalahaagii soo eryaday wax yar maaha, isaga laftigiisii baa baqdini gashay, isagoo dhinacna u caqli celinaya labadii nin ee shaqaalaha ahaa ee cagaha wax ka soo dayey. 

Ninkii jiifka (madaxda) ahaa ee meesha haystay ayaa dalbaday ciidamada bilayska, iyagoo hubaysan ayey soo galeen meeshii. Kaddibna waxay tageen meeshii talaagada ee qayladu ka soo yeedhaysay iyo garaacu.

Ninkan 50 jirka ahi maa ha nin dagaal u soo diyaar garoobay ee waa ruux yaaban oo is leh meeshan sideed ku soo gashay talaagadan, oo uu naxsan yahay isagu qudhiisu. Halkii ayaa talaagadii lagaga soo saaray oo loola cararay dhinaca cusbitaalka magaalada oo uu iminka ku jiraa. Qisadan naxdinta leh ayaa warbaahinta caalamku aad wax uga qoreen.

Ninka reerkiisii oo tacsidii u fadhiya oo u diyaar garoobaya aaskii/xabaashii ayaa lala soo hadlay oo loo soo sheegay in uu nool yahay odeygii reerku (Subxaanalaah) waxay reerkii ku noqodtay marna naxdin marna farxad. Ninka waaxda caafimaadka degmada haysta, magaalada ay qisadani ka dhacday, Sizwe Kupelo, ayaa dadka fariin u diray, isagoo leh, haddii uu qofka xanuun ku yimaado ama miyir beelo, maaha in aad u yeedhaan oo aad ula carartaan dadkiina/ehelkiina goobta meydka la dhigo.


Waa qiso mururgo/naxdin iyo farxad leh

Halkan ka daawo qisdan iyada oo la matalay.


_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada