Sheeko layaab leh oo dhex martay Nin salaad subax u socday iyo Shaydaan…??

Sheeko layaab leh oo dhex martay Nin salaad subax u socday iyo Shaydaan…??


Maalin maal maha ka mid ah ayaa nin salaada subax u soo kacay isaga oo doonayo inuu Masjid-ka ku tukado. dharayuu xirtay, kadib-na waysa qaatay, kadib-na Misaajid-ka u anba baxay. 

Jidkii dhexdiisa ayuu ku kufaykadibna gurigii ayuu kusoo laabtay asaga oo iska badalay dharkii uu xirnaa ee ka wasakhoobay. Mar labaad ayuu wayso qaatay kuna laabtay Misaaji dka. Markii uu marayay halkii uu ku kufay markii hore ayuu mar kale hadana ku kufay.

Boorka ayuu iska tirtiray, kadibna kusoo laabtay gurigii si hadana uu dharka isga badalo, waysana u qaato. Markii uu jidka marayey ayuu la kulmay nin gacantiisa ku hayo faynuus (lamp). Ninkii ayuu waydiiyay waxaa uu ahaa, faynuus hayihii ayaa ku jawaabay:

Waxaan arkay adiga oo ku kufay jidka labo mar, sidaasi darted waxaan soo qaatay faynuustan si aan jidka kuugu ifiyo. 

Mahad celin ayuu ka bixiyey arinkaas. Kadib labadii nin ayaa Masjidka isu raacay. Markii ay Masjikda gaareen, ayuu ninkii koobaad ugu yeeray faynuus wadihii inuu salaado la tukado. Faynuus wadihii ayaa taasi diiday. Ninkii ayaa dhowr mar ka codsaday faynuus wadaha inuu tukado balse mar walbo wuu ka diiday.

Ninkii koobaad ayaa waydiiyay faynuus wadihii wuxuu u diidan yahay inuu tukado. Faynuus wadihii ayaa ku jawaabay: 
Aniga Shaydaan ayaan ahay. Ninkii ayaa jawaabtan ka naxay. Shaydaankii oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri: 

Adiga oo Masjika usoo socda ayaan ku arkay, aniga ayaana ku ku kufsiisay.

Markii aad guriga ku laabatay ood isa soo daahirisay, kadibna aad soo aaday Masjidka, Ilaahay dambigii oo dhan ayuu kuu dhaafay. Mar labaad ayaan hadana ku kufsiiyay balse hadana Masjidka ayaa kusoo laabatay, markani Ilaahay wuxuu u danbi dhaafay dhamaan dadkii gurigaada ku noolaa.

Hadii aan mar sedexaad ku kufsiin lahaa waxaan ka baqay inuu Ilaahay u danbi dhaafo dhamaan dadka ku nool tuulada, sidaasi daraadeed ayaan kaa caawiyay inaad Masjikda si nabad ah ku timaado si aanan dadka tuulada ku nool oo dhan loogu danbi dhaafin adiga daraadaa.

Hadaba walaalayaal, marnaba yuusan Shaydaan ka faaidaysanin camalkiisa oo mararka qaarkood u eg mid waangsan balse ah il-duuf. Dibna ha u dhigan camal wanaagsan oo samayn rabtay maadama aadan ogayn inta ka faa'iidaysan karta camalkaa.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada