Gabar Meherkeeda Lacag Ku Bixisay Oo Ku Doonatay Wiil Jaceyl Kala Dhaxeeyay! Sheeko Xiiso Badan.

Gabar Meherkeeda Lacag Ku Bixisay Oo Ku Doonatay Wiil Jaceyl Kala Dhaxeeyay! Sheeko Xiiso Badan.

Dunida waa Is Daba Joog Waqtiba waqti ayuu kuu dhiibaa, waa Walba oo Baryana wax Cusub Buu la Baryaa, Sacdiya warsame waxa ay Ku nooshahay Dalka Jarmalka, Waxa ay Xiriir Wadaag Noqdeen Wiil Gayaankeeda ah oo Ku noolaa Dalka Koofur afrika Kaasoo lagu Magacaabi jiray Hure Ow Jaamac, hure Waxa uu ka Mid ahaa Dhalinta ka Xamaalata Dalka koofur afrika, Hure ow Jaamac Waa Shaqaale Mishaar ahaan u qaata R 2500 taasoo u Dhiganta Ku dhawaad 300 oo Doolar.

Sacdiya iyo Hure ow Jaamac Waxa Dhex Martay Jaceyl aan Xadigiisa La qiyaasi Karin, Midba Midka Kalana waxa Uu had Iyo Jeer Ku Hayay Ha Dhicin ha Jabin iyaga oo Kala Jooga Jarmalka Iyo Koofur afrika ayeeyna Qadka telfoonka iyo aaladda Internetka Si Wanaagsan Isaga Fahmeen.

Sacdiya intii ay is Barteen Hure ow Jaamac Habeena Maysan jiifan Iyada oo aan Macsalaamayn gacaliyaheeda, Mararka qaarna waxaba Dhici Jirtay Iney Iyada oo oyeeysa in ay jarta telka, Alla waxaas ayaa jaceyl kaa ah.

Waxa uu Lamanahasi Jaceylkooda Isku shareeray Cirka, kalgacalkooduna markii u laba Gu, Jirsaday eyey sacdiya Waxa ay Gacaliyaheedii oo Wali shaqaala ah usoo Jeedisay ineey Is Mehersadaan oo uu Reerkeeda Kadoonta, isna ma uusan diidin laakin waxa uu u sheegay inuusan Haatan Awoodin lacagta sooryade iyo meherka ee uu reerkeeda kaga doonanayo.

Hayeeshee Sacdiya ayaa Xubigeda ugu baaqday in 2000 doolar oo uu reerkeeda kaga doonta ay iyada soo dirayso, Taana Waxaa ka Keenay Jaceylka ay u Qabtay wiilka oo aan xadigiisa la qiyaasi karin.

mudda Kadib sacdiya waxa ay Wargalisay reerkeeda una sheegtay in wiil uu soo doonan doona, kaasoo ay dookheeda kaga soo xulatay dadka asaagii ah, reerkeedana kuma ay san diidin oo wa ay ajiibeen.

Sidii ay horeyba ugu sheegtay wiilkii ayeey 2000 oo doolar oo reerka uu kaga doonta usoo dhigtay xawilaada, Hure Markii usoo qaatay Qidmadaas reerkiisa ayuu ku wargaliyay in gabar uu xiriir ka dhexeyay muda loo doona.

Lacagtii 2000 doolar ahaydne wuxuu sii dhigay xawaalaadda si uu aabihii ugu doona gabadha, labadii reer ayaa xiriiray waa lays fahmay, waxaana lagu balamay in meherka dhaco maalinta jimcaha ah,

Intii aan Maalintii meherka lagaarin Sacdiya waa ay fikirtay waxana qalbigeda kusoo dhacay in ninkan ay lacagteeda ku mehersanayso uu beri furi karo, hayeshe waxa ay go,an satay in meherkeeda uu noqda 2000 oo doolar, Si Hadii uu beri kamaalin uu u furo meel cidla ahna ugu dhaqaajiyo ay ugu soo laabato lacagtii meher ahaanta ay u bixisay, waxa ayna firkirkeedii ka Dhaadhicisay gacaliyahedi isna waa uu ku raacay.

Maalintii uu meherka dhacayay ayaa labadoodaba la wacay waala xaal wareystay, qaasatan gabadha ayaa la waydiiyay meherkeeda waxa ayna sheegatay in meherkeeda uu noqonayo 2000 oo doolar, wiilkii markii la waydiiyayna waxa uu yiri ”waan ogolahay sacdiya lacagta ay meher ahaanta u sheegatay”, sidii ayuuna meherkii ku dhacay.

hadaba Gabadha Qidada ay dagtay ayeey dadkii sheekada sida hoose u ogaa layaabeen, waxaana dhihi karnaa waa nooc cusub oo kusoo kordhay guurka soomalida.
W.D:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
Xaaji Tahriib@hotmail.com
_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada