John Kerry oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Dibadda Ugu Baxay

John Kerry oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Dibadda Ugu Baxay


Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa bilaabay safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago dibadda tan iyo markii uu kala wareegay xoghayihii hore Hillary Clinton jagada ugu sareeysa diblomaasiyadda Mareykanka horaantii bishan.

Kerry ayaa ka amababaxay magaaladan Washington Axadii shalay isagoo ku sii jeeday Magaalada London oo noqoneysa halka ugu horeysa oo uu ka bilaabayo safarkiisa muddo 11 maalmood ah uu ku mari doono sagaal wadan,.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xaaladda Syria ay ka mid tahay arimaha ugu waaweyn ee qorshaha ugu jira xoghaye Kery inuu kala hadlo marka uu la kulmo saraakiil kala duwan oo caalami ah .  
 
Waxaa sidoo kale Kerry u qorsheysan inuu wada hadal la yeesho hogaanka isbaheysiga mucaaradka Syria inta uu ku guda jiro safarkiisa bariga dhexe.

Magaalada London waxa uu kaga sii gudbi doonaa Berlin, ka dibna Paris halkaas oo uu saraakiisha Faransiiska kala hadli doono wada shaqeynta Mareykanka iyo Faransiiska ee howlgalka Faransiiska uu ka wado Dalka Mali.

Waxa kaloo uu tagi doonaa Rome, Ankara, Cairo, Riyadh iyo Abu dhabi ka hor inta uusan socdaalkiisa ku soo gabagabeyn magaalada Doxa ee dalka Qadar.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada