Mancini Oo Furka Xooray Kadib Markii Uu Ka Carooday Su'aalo Lagu Waalay

Mancini Oo Furka Xooray Kadib Markii Uu Ka Carooday Su'aalo Lagu Waalay


Roberto Mancini ayaa meesha ka saaray warar cusub oo shaki gelinaya mustaqbalkiisa kooxda Manchester City, iyadoo ay soo baxayeen maanta warar sheegaya in tababaraha Malaga Manuel Pellegrini inuu ugu cadcad yahay inuu bedelo tababaraha Talyaaniga.

‘Fuck  hell!’ Naarta ka qeyli ayuu ku jawaabay Mancini oo dhoolacadeynaya, isagoo dhibsaday su’aalaha had iyo jeer laga weydiiyay mustaqbalkiisa.

Laakiin tababaraha City ayaa mar kale weydiiyay suxufiyiinta sababta ay mugdi u geliyaan booskiisa mar hadii uu guulo la gaaray kooxda.

“Isbuuca kasta kama jawaabi karo su’aalahan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Kama jawaabi karo isbuuc kasta tababare mid kale hadana mid kale.

“Laakiin sidoo kale ma fahmin arintaan. Waa maxay sababta City ay u dooneyso inay iska bedelaan tababarhooda? Tan iyo 2011 waxaan ku guuleysan seddex koob oo ka mid ah 7 koob oo aan u tartanay.

“Aniga ma ahi gudoomiyaha kooxda ama agaasimaha kooxda, hadii aad dooneysaa inaad su’aalahan jawaabo u heshaan iyaga weydiiya. Afar sanno ayaa iigaga hartay qandaraaskeyga, waxaana qabaa inaan shaqo fiican qabanayo, waan ku faraxsanahay halkaan.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada