Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Beledweyn (Sawirro)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Beledweyn (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Ra'iisul wasaare Saacid iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif waxaa ka dejisay diyaarad gaar ah oo saakay ka qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ku soo dhoweeyay Mas'uuliyiin uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, xubnaha maamulka gobolka, odayaal iyo waxgarad iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa xubno ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka gaashaandhiga, Wasiirka Kheyraadka dalka, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa haatan kulamo la leh Saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo maamulka Gobolka, iyadoo marka uu soo dhamaado uu kulan la qaadanayo qeybaha bulshada, waxgaradka, odayaasha iyo haweenka reer Hiiraan.

Ammaanka magaalada Beledweyn iyo daafaheeda ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo socdaalkan uu yahay kii labaad oo Ra'iisul Wasaare Soomaaliyed ku tago halkaas tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray horaantii sanadkii hore ayaa waxaa booqday Ra'iisul Wasaarihii hore C/wali Gaas.

Booqashada Ra'iisul Wasaare iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ku tageen Beledweyn ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Xukuumada ay wado dadaalo ay maamulo KMG ah ugu sameyso Gobolada iyo degmooyinka Al-Shabaab laga saaray, si loogu gudbo maamul ay soo doortaan dadka deegaanka.







_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada