Wiil Yar Oo Sacuudi ah oo si kibir iyo isla weyni ah ku karbaashay nin Ka Weyn Oo Miskiin Qashin Qaade ah!! (Daawo Muuqaal+Warbiixn)

Wiil Yar Oo Sacuudi ah oo si kibir iyo isla weyni ah ku karbaashay nin Ka Weyn Oo Miskiin Qashin Qaade ah!! (Daawo Muuqaal+Warbiixn)

Wiil yar oo Sacuudi ah ayaa waxaa la sheegay inuu si kibir iyo isla weyni ay ku jirto uu sabab la'aan u karbaashay nin miskiin ah oo ka mid ahaa shaqaalaha qashinka ka qaada xaafadaha dalkaas ilaa uu ninkaas miskiinka ah uu xanuun dartiis uu oohin af labadii yeeray. 


Ninkaan miskiinka ah ee la karbaashay oo asal ahaan la filaayo inuu ka soo jeedo wadamada Aasiya ayaa si naxariis daro ah oo ay ku jirto kibir iyo islaweyni waxaa u garaacay oo karbaash si xun ula dhacay wiil yar oo da'adiisa lagu qiyaasay 14 sano jir xilli uu ninkaas gudanaayey shaqadiisa qashin qaadista, ninkaan miskiinka ah ayaa waxaa la sheegay inuu xanuun awgiis afka furtay oo uu oohin aflabadii yeeray halka uu wiilkaas yarna si jees jees ah uu ugu qoslaayey ninkaas weyn ee ooynaayey oo uuna ku amraayey inuu aamuso iyadoo islamarkaana dad ka dhawaa meeshaas aysan wax ka qaban falka axmaqnimada ah ee uu ku kacay wiilkaas yar. 


Ugu dambeyntiina iyadoo dalkaas Sacuudi Caribiya uu yahay mid mar walba ay ka dhacaan waxyaabo fara badan oo ka baxsan Islaanimada iyo bini'aadanimada ayaa waxaa la sheegay in ninkaas miskiinka ah uusan wax talaabo ah qaadi karin maadaama uu ka baqaayo inay arinta sidaas ka sii xumaato oo xabsi la dhigo islamarkaana laga musaafuriyo dalkaas uu usoo xammalashada tegay, dowlada Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay inay ka carootay filimkaas oo ku faafay dhamaan dalalka aduunka iyadoona website soo geliyey bogooda filimkaas ka saartay hawada dalkaas Sacuudiga.



_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada