Yaxaaskii dunida ugu weynaa oo ku dhintay dalka Philippines*sawiro)

Yaxaaskii dunida ugu weynaa oo ku dhintay dalka Philippines*sawiro)


Yaxaaskii dunida ugu weynaa ee ku jiray xanaanada aadanaha ayaa ku dhintay dalka Philippines.

Dhimashada yaxaaskan ayaa waxaa ay oohin ka keentay dadka ku nool tuulo ka tirsan dalka Philippine. Guddoomiyaha deegaanka Bunawan Edwein Cox Elorde ayaa xaqiijiyay geerida yaxaaskan kadib markii la arkay isagoo ku jira goobtii lagu hayay.

Guinness World Records ayaa waxa uu daabacay in yaxaaskan uu yahay kan ugu weyn caalamka sanadkii 2011 xilligaas oo uu dhererkiisa lagu sheegay inuu gaarayo 6.17 metres (20.24 feet).

Rikoorka ugu weyn maska ayaa waxaa hore u haystay yaxaas dhererkiisu yahay inakabadan shan mitir waxana uu culeyskiisu uu ahaa tonne. Maamulka deegaanka uu yaxaaskan ku noolaa ayaa waxa ay sheegeen inay baaritaan ku samayn doonaan sababta uu u dhintay yaxaaskan. 

Qabiir dhinaca xayawaanaada ku taqasusay ayaa waxa uu sheegay in yaxaaskan ay da’adiisa ka badnayd konton sano jir. Inkabadan boqol ruux oo ku nool deegaanka uu yaxaaskan ku noolaa ayaa waxaa ay si xoog leh ugaga soo bixiyeen halkii uu ku dhintay.

Yaxaaskan ayaa maalin walba dad badan u soo daawasho tegi jiray iyadoo dalxiisayaal badan uu soo jiitay ayna u soo daawasho tageen. 



_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada