Bayern v Juve, PSG v Barcelona- Isku Aadka Wareega 8da Champions League Oo La Soo Saaray.

Bayern v Juve, PSG v Barcelona- Isku Aadka Wareega 8da Champions League Oo La Soo Saaray.


Kooxdii heysata horyaalka Serie A ee Juventus oo wareega 16ka ka soo talaabsatay Celtic ayaa waxa ay wareega 16ka isku qaabili doonaan Bayern Munich kuwaasoo iyagana wareega 16ka ka soo gudbay Arsenal.
Lugta hore ee ciyaartaan waxa ay ka dhicin doontaa Allainz Arena iyadoo lugta labaad ee bisha April dhici doonta lagu ciyaari doono Juventus Arena.
Labadan kooxood iskuma cusb lixdii kulan ee ay Champions League ku kulmeen, seddex jeer waxaa badisay Juventus, labo jeerna Bayern Munich halka kulanka kale ay barbaro galeen.
Kooxda Barcelona oo wareegii 16ka si taariikhi ah uga soo gudubtay wareega 16ka kooxda AC Milan ayaa qaabili doonta kooxda lacagta badan ee Paris St Germain.
Zlatan Ibrahimovic ayaa ka horimaan doona kooxdiisa hore laakiin waxa uu ganaax kaga maqnaanayaa kulanka lugta hore ee ka dhacaya Paris.
PSG ayaa xilli ciyaareedkii 1994-95 ku reebtay Barcelona wareega 8da, iyadoo lugtii hore 2-1 ku badiyay, halka lugta labaad ay barbaro 1-1 ku kala baxeen, laakiin Barcelona ayaa PSG ku garaacday CWC sannadkii 1997dii iyagoo 1-0 kaga badiyay gool uu u dhaliyay Ronaldo.
Kulamada kale ee xiisaha leh kooxda Real Madrid oo rikoor 9 jeer ah ku guuleysatay koobkaan ayaa waxa ay qaabili doontaa wareega 8da kooxda Galatasaray, iyadoo wajiyo isyaqaana ay koobkaan iska horimaan doonaan.
Wesley Sneijder iyo Hamit Altintop ayaa ku laaban doona garoonkoodii hore, halka Didier Drogba uu dib u arki doono macalinkiisii hore Jose Mourinho.
Kooxda xilli ciyaareedkan ay ugu horeysay ka qeybgalka Champions League ee Malaga ayaa wajihi doonta wareega sideeda kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Borussida Dortmund.
Lugta hore ee wareega 8da waxaa la ciyaari doonaa bishaan, halka lugta labaad la ciyaari doono 9ka iyo 10ka bisha April.
Isku aadka semi-finalka waxaa si gooni ah loo qaban doonaa markii ugu horeysay April 12keeda, iyadoo finalka koobkaan uu ka dhacayo 25ka bisha May garoonka Wembley.
Isku Aadka Wareega 8da
MALAGAVSBORUSSIA DORTMUND
REAL MADRIDVSGALATASARAY
 PARIS SAINT-GERMAINVSBARCELONA
BAYERN MUNICHVSJUVENTUS


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada