Dowladda Yemen oo ka digtay Maraakiib ay leedahay Soomaaliya inay ku quusaan Xeebaha Cadan

Dowladda Yemen oo ka digtay Maraakiib ay leedahay Soomaaliya inay ku quusaan Xeebaha Cadan

Dowladda Yemen ayaa xaalad qatar ah ka soo saarat afar markab oo ay leedahay Soomaaliya, kuwaasoo ku sugan xeebta magaalada Cadan, iyadoo ay qarka u saaran yihiin inay biyaha ku quusaan.
Warqad qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Yemen ayaa lagu wargeliyay dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu wareejiso dalkeeda, inta aanay dhibaato u geysan dekeda Cadan, hadii maraakiibtan ay quusaan.
Qunsulka safaarada Soomaaliya ee Cadan Axmed Suudaani ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Yemen ay iska arkeen, isla markaana ka dalbadeen in maraakiibta loo wareejiyo Soomaaliya ama badda loo weeciyo.
“Muddo waxaa jirtay in maraakiibtan ay biyo korkeeda ku sugnaayeen ku dhowaad 7-sano, dayactir iyo xanaano ma helin, mid ka mid ah markabka ayaa hoos ka daxaleystayn, taasna waxay keentay in biyo soo galaan”ayuu yiri Axmed Suudaani.
Axmed Suudaani ayaa sheegay in hadii lagu guuleysan waayo in biyaha la xiro ay qatar tahay inuu dego Markabka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in Yemen ay xiriir kala sameysay Maraakiib ay leedahay Soomaaliya oo dalkeeda ku sugan, iyadoo rajo ka muujisay inay dib gacanteeda ugu soo laabato.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada