Warbixin : Qaabka Ay U Kala Badiyeen Sir Alex Iyo Rafael Markii Uu Joogay Liverpool.

Warbixin : Qaabka Ay U Kala Badiyeen Sir Alex Iyo Rafael Markii Uu Joogay Liverpool.


Kooxda Chelsea ayaa maanta kulan adag oo qeyb ka ah FA Cup-ka kula leh garoonka Old Trafford kooxda Man United iyadoo ciyaartaan ay dadka soo xasuusineyso loolankii dheeraa ee labada tababare Sir Alex iyo Rafael Benitez .

Marka aynu u laabano natoojiyinkii taariikhiga ee labada tabare waxaa muuqaneysa in Sir Alex uu ka sareeyo dhigiisa Rafael ee haatan Chlelsea hogaaminaya iyadoo ay is arkeen 13 kulan halka Sir Alex uu badiyay 8 ka mid ah iyadoo 4 jeerna laga badiyay sidoo kalana hal kulan bar bar dhac ayay galeen.

Rafael Benitez ayaa ku guul dareestay 5-tii ciyaar ee ugu horeeysay horyaalka ee uu ka hor yimid Sir Alex balse sedex guul ayuu keenay afar ciyaar oo ku sii xigtay , waxa uuna soo hoyiyay in natiijo wax ku ool ah kaga badiyo ka dib markii Liverpool 4 gool iyo 1 ku garaaceen United.

Guulaha labaad Tababare oo kooban .

Sir Alex 8 jeer.

Rafael 4 jeer .

Bar bar dhac min goolal la`aan sanadkii 2005.

Guushii ugu balaarneyd ee United ku gaartay Old Trafford waxa ay aheyd sanadkii 2008-da waxa ayna ku badiyeen 3 gool iyo eber .

Guushii ugu balaarneyd ee Liverpool soo hoyiyeen waxa uu ka dhacay garoonka United waxa uuna ku dhamaaday 4/1.

Shantii kulan ee ugu dambeysay waxa uu Rafael badiyay 3 kulanka labana waa laga badiyay .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada