Xukuumada Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in 20-sano kadib ay dib u howl gelineyso Diyaaradii Somali Airlines

Xukuumada Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in 20-sano kadib ay dib u howl gelineyso Diyaaradii Somali Airlines

daajis.com:-Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhowaan dib u howl gelineyso Diyaaradii Somali Airlines 20-sano kadib, si ay qeyb uga noqoto shirkadaha diyaaradaha caalamka ee duulimaayada caalamiga dalal badan.

Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay dib ugu howl gelinayaan Shirkada Somali Airline, isla markaana ay dib u soo celiyaan adeegyadii kala duwanaa ee ay dowladda Soomaaliya shacabka u heysay.

“Arrinta muhiimka ah waxa weeyaan, inaan soo celineyno heykalkii ay laheyd diyaaradii Somali Airline, oo hada mas’uul cusub loo magacaabay, waxaa wadnaa qorshayaal aan dib ugu howl gelineyno, waaxyaheeda dib loogu dhisayo”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ugu horeyn ay kala tashanayaan arrintaas shaqaalihii hore ee Somali Airline, oo isugu jira duuliyeyaashi iyo dadkii ka soo shaqeeyay, si loo bilaabo in howlaha diyaarada ay u heysay shacabka.


Diyaarada Somali Airline ayaa duulimaadyo caalami ah ku tagi jirtay Caasimado badan oo ku yaala caalamka.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay ku timid guusha dib loogu howl geliyay Boostadii dalka, oo aanay shaqeyn mudadii dalku bur burka ku jitay, isagoo tilmaamay in dhowaan dib loo bilaabayo adeegyadii boostada, waxaana uu xusay in dhowaan shir ka dhacay dalka Switzerland ay ku guuleysteen in Soomaaliya dib uga bilaabato adeegii boostada.

Si kastaba ha ahaatee adeegyadan aas aasiga u ah bulshada Soomaaliyed ayaa hadii ay taaba gal noqdaan waxaa meesha ka baxaya, baahidii shacabka u qabeen duulimaadyada caalamiga oo ay diyaarado dalal kale laga leeyahay ay ku dhoofi jireen, waxaana hadii ay soo laabato diyaarada Somali Airline ay noqoneysa guul u soo hoyatay Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada