Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dhowaan ay qabanayaan shirka dib u heshiisiinta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dhowaan ay qabanayaan shirka dib u heshiisiinta

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ku qabanayaan shirweynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka, isagoo mar kale ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo.

Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah shalay Muqdisho ugu qabteen isaga iyo Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey ayaa waxay si wada jir ah ugu baaqeen dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo inay dagaalka joojiyaan.

"Aad iyo aad baan uga xumahay inaan maqlo dagaalo ka soo cusboonaaday Kismaayo. Waa arrin khaldan in Soomaalida dhexdooda ay is dagaalaan, oo dagaalku ma keeno xal ama hami siyaasadeed"ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqtigii dagaalka uu dhamaaday, isagoo tilmaamay in loo midowgo sidii khilaafka lagu xalin lahaa, isla markaana meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Al-Shabaab sida uu yiri.

"Dowladdu waxey dhowaan qabaneysaa Shir Dib-u-heshiisiineed sidii ay Madaxda IGAD ku heshiiyeen 24kii May 2013, cid kasta waa u furan tahay inay ka soo qeyb gasho shirkaas, dowladda waxay dooneysa in arrintaas nabad lagu dhameeyo"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya, iyadoo dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay Kismaayo ay ku dhinteen dad gaaraya labaatan ruux, isla markaana magaalada ay gashay xiisado dagaal,
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada