Fatahaada wabiga Shabeelle oo kala jaray wadada isku xirta Jowhar iyo gobolada dhexe

Fatahaada wabiga Shabeelle oo kala jaray wadada isku xirta Jowhar iyo gobolada dhexe

daajis.com:- Fatahaada wabiga Shabelle ayaa waxaa ay kala jartay wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo gabolada dhexe ee dalka Soomaaliya kadib markii ay biyo ka soo fataheen deegaanka bayaxow.

Fatahaada wabiga Shabelle ayaa waxaa sababatay haatan in gebi ahaanba uu hakad ku yimid isu socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalada Jowhar iyo deegaanada dhinaca waqooyi ka xiga. 

Biyaha ka fatahay wabiga ayaa waxa ay sababeen inay xaaqaan dhul beereed ay ku yaaleen dalagyo kala gedisan sida galley,sisin,qudaar iyo dalagyo kalaba. Fatahaadan ayaa waxaa ay baabi'iyeen dhul beereed isugu jira qaar dhowaan laga soo goostay mirihii ku yiil iyo beero kale oo loo diyaargareeyay tacabka xilliga deyrta.

Waxaa laga baqayaa fatahaadan inay gaarto deegaano hor leh sida Xaashooley, dhaaygawaan, Baraki, Dhumaley iyo deegaano kale. 

Wabiga Shabelle ayaa waxa uu ka fatahayaa deegaanada Baarey iyo Bayaxow oo dhinaca Waqooyi iyo dhinaca Koofur ka xiga magaalada Jowhar. 

Wadada laamiga ah ee isku xirta magaaloyinka Jowhar iyo Muqdisho ayaa muddo labo bilood ah waxa hakad geliyay fatahaad ka baxday deegaanka Maandheere waxaana biyahaas sababaeen in ay gaadiidka isticmaalaan wadadooyin kale sida wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolada koofureed ee dalka. 

Hase yeeshee, wadadan ayaa dib u furantay kadib markii lagu guuleystay in la xiro dhowaan. Waxaana dib u billowday isu socodka gaadiidka wadadan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada