Daawo Viddeo:- cusub oo hor leh oo muujinaayo sid uu u dhacay weerarkii xarunta ganacsi ee Westgate ee Magaalada Nairobi!!

Daawo Viddeo:- cusub oo hor leh oo muujinaayo sid uu u dhacay weerarkii xarunta ganacsi ee Westgate ee Magaalada Nairobi!!

daajis.com:-Muuqaalo cusub oo hor leh oo muujinaayo sid uu u dhacay weerarkii xarunta ganacsi ee Westgate ayaa la sheegay inay soo shaac baxeen iyadoona muuqaaladaan ay ka muuqato Soomaalidii weerartey xaruntaas oo cunteynayso islamarkaana nasasho ku jira xilliyada habeenkii 



Muuqaaladaan cusub ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwo muujinaayo sida ay wax u dhaceen iyadoona ay ka muuqato Soomaalidaas weerartey xaruntaas oo ku jirto iska caabin xilli lagu soo weeraraayo sunta indhaha ka ilemysiiso, Soomaalidaan ayaa waxaa kale oo ka muuqda inay xilliyada habeenkii saqda dhexe ay yihiin kuwo sameyn jirey nasasho inkastoo ay diyaar u yihiin inay iska caabiyaan weerar kasta oo ku yimaado islamarkaana uu mar walba mid ka mid ahaa kooxdaas uu yahay waardiye, Cunto cunidooda ayaa waxay ahayd kuwo istaaga ku boobsiyo cuntooyin fudud iyagoona ay muuqaaladaas muujinaayaan iyagoo isku dhiib dhiibaayo oo qeybsanaayo cuntadaas. Sidoo kale ayaa ragaas waxay ahaayeen kuwo ay san ka muqqan wax cabsi ah iyo inay ku jiraan dagaal culus. 

Ugu dambeyntiina iyadoo weerarkii ay Soomaalidaas ka tirsaneyd maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay ku qaadeen xaruntaas ganacsi ay wali socdaan baaritaankiisa islamarkaana ay mar walba soo baxayaan macluumaadyo cusub ayaa qaar badan oo ka mid ah dadka aduunka waxay dhaliil weyn u soo jeediyeen heyadaha amaanka iyo sirdoonka dalkaas Kenya oo ay ku sheegeen kuwa aan u gudan sidii la rabay shaqadooda maadaama ay dadka aduunka ay wali sugayaan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan weerarkaas oo ka soo baxda dowlada Kenya iyadoona inkastoo mudo ka badan bil ay ka soo wareegtay markii uu dhacay weerarkaas ilaa iyo hada aan laga heyn dowlada Kenya tiro sugan oo ah dadkii qaaday oo fuliyey weerakaas lagu qaaday xaruntaas ganacsiga ee Westgate. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada