DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha oo ka qeybgalay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha oo ka qeybgalay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoon siinayay Arday ka badan 700 oo ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, taasoo asalkeeda uu aas aaskeedu lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ardaydan ayaa waxay ka qalin jabiyeen Maaraynta ganacsiga (Business Adminstration) , Xisaabaadka (Accounting) iyo cilmiga computer ka (Information Technology).
Xafladdan oo aheyd mid si weyn looga soo shaqeeyay ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay iyadoo dadka geliyay si weyn loo baarayay si aysan u dhicin dhacdadii Hotel SHaamo ee ismiidaaminta lala beegsaday munaasabad tan oo kale ah oo arday qalin jabisay shahaadooyin lagu guddoonsiinayay, wasiiro ka tirsanaa dowladdii Shariifna ay ku dhinteen.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa hambalyo gaar ah u jeediyay ardadada loo qabtay xafladda asagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan aqoonta ayagoo leh dulqaad iyo adkeesi si ay uga guul gaaran himilada ay hiigsanayaan.Madaxwaynuhu waxuu xusay in waxbarashau ugu jirto muhimadda kowaad kana shaqaynayo sidii dalka aqoon loogu soo doonana lahaa.


Gudoomiyaha jaamacadda SIMAD ayaa si qota dheer uga hadlay xafladda xusayna horumararka jaamacadda iyo hiigsiga cusub. Sidoo kale gudoomiyaha waxa uu amaan u jeediyay ardada qalin jabineysay una rajeeyay guul iyo horumar.
Gabagabadii waxaa halkaasi shahaadooyin iyo abaal marino lagu guddoonsiyay ardaydii loo qabtay xafladda iyo mas'uuliyiintii kasoo shaqeysay, sidoo kale waxaa xusid mudan in Sedexda arday ee ugu sareesay ardayda maanta qalin jabisay la gudoonsiiyay deeq waxbarasho (Master) oo bilaash ah . 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com












Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada