Labo weriye oo Faransiis ah oo lagu dilay magaalada Kidal ee dalka Mali

Labo weriye oo Faransiis ah oo lagu dilay magaalada Kidal ee dalka Mali

daajis.com:-Labo weriye oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa la afduubtay kadibna lagu diley magaalada waqooyiga dalka Mali ee Kidal sida ay shaacisay wasaarada arrimaha dibada ee Faransiiska.

War ay soo saartay wasaarada arrimaha dibada Faransiiska ayaa lagu sheegay in Claude Verlon iyo Chislaine Dupont oo u shaqeynayay idaacada xarunteedu tahay dalka Faransiiska ee RFI in la helay maydadkooda.

Idaacada RFI ayaa xaqiijiyay saaka in lagu afduubtay labadan weriye magaalada Kidal. Weriyaashan ayaa waxa ay soo dhamaysteen wareysi ay la yeelanayeen siyaasi ku nool magaalada Kidal. Waxaana la afduubtay kadib markii ay soo dhamaysteen wareysiga.

Wararka ayaa sheegaya in afar nin inay ku qasbeen saxafiyiinta inay fuulaan baabuur meeshaa u yiil kadibna waxaa loo kaxeeyay meel banaanka ka ah magaalada Kidal.

Magaalada Kidal ayaa ah magaalo yar oo ay ku nool yihiin illaa toban kun oo ruux ayaa waxaa ka jira khilaaf u dhexeeya dadka reer guuraaga ah ee Tuareg loo yaqaan iyo dadka kale ee ah afrikaan madow ah.

Kidal ayaa waxaa ku sugan labo boqol oo askari oo Faransiis ah iyo labo boqol oo ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Midowga Afrika iyo sidoo kale ciidamo u dhashay dalka Mali.

Sida ay sheegayaan weriyaasha waxaa su’aal ka taagan tahay sida maalin cad loogaga qafaashay saxafiyiintan magaalo kooban oo ay ciidamo badan ku sugan yihiin. Toddobaadkan bilowgiisii ayaa dadkii qafaashay ay sii daayeen afar ruux oo u dhashay dalka Faransiis ah

kadib markii ay muddo saddex sano ah ay madax furasho u haysteen dable taabacsan ururka Alqaacida oo ku sugan dalka Niger.

Faransiiska ayaa waxaa uu u diray ciidamo dalka Mali kadib markii ciidamo Islaamiyiin ah ay la wareegeen inta badan dalka Mali. Waxayna ku wareejisay mas’uuliyada dalkaasi Qaramada Midoobay ciidamo ka socda.

Hase ahaatee waxaa weli jooga wadanka Mali ciidamo Faransiis ah kuwaas oo caawinaya sidii looga hortagi lahaa in mar kale maleeshiyo ka soo horjeeda xukuumada Mali inay soo galaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada