Ra,isul Wasaare Soomaaliya oo soo Dhaweeyay Go,aanka Maxkamadda sare ee Britain

Ra,isul Wasaare Soomaaliya oo soo Dhaweeyay Go,aanka Maxkamadda sare ee Britain

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aanka ay gaartay Maxkamadda sare ee dalka Britain, kaasi oo lagu go’aamiyay in Bankiga Barclays uu sii wado adeegga uu u hayay dadka Soomaaliyeed ee xawaaladaha.


“Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda sare ee dawladda Britain, waana mid farxad geliyay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka walaacsanaa in ay waayaan lacagaha ay eheladooda uga soo diraan dalka dibadiisa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in loo baahan yahay in la helo xal waara oo ku aadan sii wadista adeegyada xawaaladdaha Soomaalida.

“Waa in dawladda, maamulayaasha xawaaladdaha iyo madaxda Bankiga ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo nadiif ah dhinacyaduna ku qanacsan yihiin”.

Dawladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirtay bilihii u dambeeyey sidii loo hakin lahaa go’aanka Bankiga Barclays uu ku joojinayo accountiyada lacagaha la sii marsiiyo ee shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida, waxaana go’aanka Maxkamadda uu ka tarjumayaa miraha dadaalkii madaxda dawladda iyo shirkaddaha xawaaladaha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada