Daawo Muuqaal:- Gabar yar oo 6 sano jir ah iyo Hooyada Dhashay oo si farsamaysan u Dhacay Dukaan Dahable ah!!+Warbixin

Daawo Muuqaal:- Gabar yar oo 6 sano jir ah iyo Hooyada Dhashay oo si farsamaysan u Dhacay Dukaan Dahable ah!!+Warbixin

daajis.com:-Dhacdo naxdin iyo yaab leh ayaa waxaa la shaagay inay ka dhacaday dalkaas Sacuudiga ka dib markii gabar yar oo 6 sano jir ah ay dhac tuuganimo ah ay u geysatay dahable ku yaala dalkaas Sacuudi Carabiya xilli ay tuuganimadaas ay ku caawisay hooyadeed oo xijaab xiran. 


Dhacdadaan la yaabka leh ee ka dhacday dalkaas Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay in gabar yar oo 6 sano jir ah oo ay weheliso hooyadeed iyo haweeney kale oo xijaab xiran ay soo galeen dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dheemanka qaaliga ah, gabadhaan yar oo u muuqata mid loo tababarey sida ay wax xadi lahayd ayaa waxay u dustay gudaha dukaanka xilli ay hoooyadeed ay isku dayeysay inay ka qariso iibyaha dukaanka oo ay mashquulinaysay haweeneydii kale ee la socotey, Ninkii dukaanka iibinaayey ayaa waxaa uu asaga uu ku mashquulsanaa su'aalo iyo kala doorasho badeeco been ah oo aan la dooneyn in la iibsado iyadoona ay wax yar gudahaooda ay gabadhii yareyd oo soo dhufsatay kuus lacag ah oo isku xiran ay soo daba istaagtey hooyadeed oo iyadana si deg deg ah ugu xareysatey lacagtaas boorsadeedii faaruqa ahayd ka dibna haweenkaas ayaa goobtaas ka dhaqaajiyey iyadoona uusan waxba dareemin ninkii dukaankaas gadaayey. 


Ugu dambeytniina iyadoo arintaas ay naxdin iyo la yaab ku noqotey dadka aduunka ayaa waxay wararku qaar sheegayaan inay gabadhaas yar ay goobtaas ka xaday lacago boqolaal kun oo Riyaal ah gaaraaya oo isku xirnaa , Gabadhaan yar oo u muuqatey mid si fiican loo soo tababarey ayaa si cabsi la'aan ah oo dhaqso badan ku fulasay howshii loo direy, Dhacdadaan oo dhacday bishii hore ee sanandkaan ayaa waxaan la ogeyn inay booliiska dalkaas ay gacanta ku dhigeen haweenka tuuganimada baraaya gabadhaas yar ee masaakiinta ah una adeeganaaya fal dambiyaadkaas wax lagu xadaayo. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada