Daawo Yaabkaan:-Xabsiga ugu xun ee Saqiirada Caalamka lagu xiro & Caruurta oo la soo daayo iyaga oo edeb leh + Warbixin

Daawo Yaabkaan:-Xabsiga ugu xun ee Saqiirada Caalamka lagu xiro & Caruurta oo la soo daayo iyaga oo edeb leh + Warbixin

daajis.com:-Wadanka Ruushka oo xabsiyaadiisa gacan loo taagay ayaa markaan waxa uu ka yaabsaday Caalamka oo idil ka dib markii ay sameeysteen Xabsi lagu xiro Caruurta tuugada ah ee da´aadooda ay u dhaxeeysa 8-jir ilaa 12 jiro. 


Caruurtaan oo dambiyo kala duwan galay waxaa intooda badan lagu soo qabtay xatooyo iyo jeeb siib halka qaarka kale ay ahaayeen kuwo wadooyinka ka qaraabta oo Sigaar iyo Qamri maaro looga waayay. Qaar ka mid ah caaruurtaan ayaa bilooyin lagu xukumay halka kan ugu badan 3 sano oo Xabsi ah loo jaray. 

Inta badan Dunida ma jiro Xabsi la mid ah kan Ruushka ee Caruurta sidaas u yar yar lagu xiro balse waxaa la yaab noqotay Caruurtaan tuugada ahaan jirtay ayaa la soo daayaa iyaga oo edeb yeeshay halka qaar kale Dowlada Ruushka qudheeda ay ka dhigto ciidamo tababaran. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada