Dawlada Soomaaliya oo Maanta Diyaaradii ugu Horreysay u Direysa Koonfurta Suudaan Si Ay Soomaalida u Soo Daabusho

Dawlada Soomaaliya oo Maanta Diyaaradii ugu Horreysay u Direysa Koonfurta Suudaan Si Ay Soomaalida u Soo Daabusho

daajis.com:-Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ka baxaysa diyaarad rakaab ah oo ay kiraysay Dawlada Federaalka Soomaaliya taasoo dadka Soomaalida ah ee ku xaniban dalka Koonfurta Suudaan ka soo qaadeysa halkaasi.

Diyaaradan oo ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ayaa lagu wadaa in subaxnimada ay gaarto caasimada Koonfurta Suudaan ee Jubba halkaasoo ay ku diyaarsan yihiin boqollaal ruux oo Soomaali ah oo maalmihii la soo dhaafay ku jiray xarunta safaadarada Soomaaliya ee magaalada Jubba halkaasoo ay kaga gabanayeen dagaalada culus ee u dhexeeya ciidamada dawlada iyo kuwa mucaaradka.
Wararka laga helayo dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaalida ee soo gaaraya magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Suudaan ay sii kordhayaan, isla markaana hal diyaarad aysan ku filnaan doonin, waxaana shalay wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka hadashay ay sheegtay in diyaarad ay markale laaban doonto maalinta berito ah si ay u soo qaado dadka ay soo qaadi weyso maanta.

Waxaa beryahan qeylo dhaan ay ka soo yeereysay dadka Soomaalida ah ee isugu jira ganacsato iyo arday oo ku noolaa wadanka Koonfurta Suudaan halkaasoo dagaalo ay ka qarxeen isla markaana dadka ay codsanayaan in dawladu ay diyaarad u soo dirto ayna ka soo daabusho halkaasi.
Diyaaradan ayaa ah tii ugu horreysay ee dawlada Soomaaliya ay dirto si ay dadkeeda uga soo daabusho wadanka Koonfurta Suudaan, waxaana arrintan ay imaaneysaa iyadoo baaqyada qeylodhaanta ah ay ku soo biireen xildhibaanada baarlamaanka iyo waxgarad magac leh oo dawlada ku booriyey inay diyaarado u kireyso muwaadiniinta ku xaniban dalka ay dagaaladu ka socdaan ee Koonfurta Suudaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada