Qarax Qasaare kala duwan uu kasoo gaaray Ciidamada Kenya oo goordhaw ka dhacay Xerada Dhagaxley ee Dalka Kenya

Qarax Qasaare kala duwan uu kasoo gaaray Ciidamada Kenya oo goordhaw ka dhacay Xerada Dhagaxley ee Dalka Kenya

daajis.com:-Wararka naga soo gaarayo Xerada Qaxootiga Dhagaxley ee Gobolka Waqooyi bari Dalka Kenya ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay qarax qasaaro kala duwan uu kasoo gaaray Ciidamada Kenya.

Goob joogyaaal kusugan Xerada Qaxootiga ee Dhagaxley ayaa ku waramay in qarax Nuuca Miinada dhulka lagu aaso lala eegtay gaari ay leedahay Hay’ada Care International waxaana gaarigaasi ilaalo u ahaa oo la socday Ciidamo Kenyan ah.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo katirsan Ciidamada Kenya ayaa qaraxaasi ku dhintay tiro aan la cayimina dhawaacyo ayaa kasoo gaaray , Ciidamada ayaan durba xiray dadkana u diiday in ay usoo dhawaadaan halka uu qaraxu ka dhacay.
Lama oga in Ciidamada Kenya howlgalo ay sameeyeen qaraxa kadib in dad usoo qabteen iyo in kale waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada wali lagu arkayo halka qaraxa lagula eegtay iyo goobaha ku dhaw dhaw.

Qaraxa Maanta ka dhacay gudaha Dalka Kenya gaar ahaan xeryaha qaxootiga ayaa imaanaya xili Bishan aan ku jirno gudaha Dalkaasi Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen kolonyo ciidamada Kenya ay ku dileen tiro badan oo katirsan Ciidankaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada