daajis.com:-Xaflad lagu soo xirayay Tababar in Mudo ah u socday Saraakiil Soomaaliyeed oo ka dhacday Xero ku taal Dalka Uganda, ayaa waxaa ka qeyb galay Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi.
Sidoo kale Xaflada waxaa ka qeyb galay saraakiil ka socota midowga Yurub, saraakiil ka tirsan ciidanka Uganda iyo waliba abaanduulaha ciidanka X.D.S ayaa ahayd tababarkii ugu dambeeyay ee ciidamada Soomaaliya loogu samaynayay dalka Uganda taasoo midowga Yurub ay ku tilmaameen inay qayb ka tahay qorshaha lagu xasilanayo Soomaaliya.
“Markii hore waxaad ahaydeen dagaalyahanno, laakiin haatan waxaad ku darsateen khibrad iyo aqoon waxaanad noqoteen ciidamo qaran oo leh xirfad sarraysa” sidaa waxaa yiri Abaanduulaha Ciidamada XDS.“Waxaad haatan dib ugu laabaynaysaan dalkiina si aad uga qaybqaadataan difaaca shacabka iyo xoraynta goobaha uu cadowgu shacabka ku dhibaataynayo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Ciidamada tababarka loo soo xiray oo gaarayay 138 ayaa kala qaatay takhasusyo kala duwan oo cilmiga Milatariga ku saabsan iyadoo isku darka ciidanka lagu tababaray dalka Uganda uu gaarayo 3,600 tan iyo markii uu bilowday hawlgalka AMISOM, kuwaasoo intooda badan haatan ka hawlgala dalka gudihiisa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:17 and have
, Published at