sir ku socota dumarka iyo raga kadib darasad badan oo lasamey wax ka ogow sii aqri

sir ku socota dumarka iyo raga kadib darasad badan oo lasamey wax ka ogow sii aqri

daajis.com:-Cilmi-baaris- nafsi ah oo laga qaaday dad aad u tiro badan, ayaa lagu xaqiijiyey in raggu jecel yihiin in la ixtiraamo oo ay magac iyo maamuus ku yeeshaan dunida guudkeeda, halka dumarkuna aad uga helaan in la jeclaado oo raggu ku mashquulaan daawashada quruxdooda,
Qoraaga Emerson Eggarichs ayaa Buug uu qoray oo la yiraahdo Jaceyl iyo Ixtiraam (Love and Respect), ayaa hore loogu shaaciyey in dumarku jaceylka ugu baahan yihiin siday hawada ugu nool yihiin, halka ragguna u baahan yihiin ixtiraam dheer.
Lakin Daraasadda buuggan oo 400 oo nin lagu waydiiyey jaceylka iyo ixtiraamka midka ay door-bidaan, waxay 74%-kiiba tilmaameen inuu jaceylka uga qiimo badan yahay in la ixtiraamo oo bulshadu si weyn u karaameeyaan ama xiiseyaan.
Sidoo Kale Haween tiradaas oo kale ah oo iyaguna xog-ururinta dookhooda nololeed ah lagu sameeyay, ayaa sheegay in ixtiraamka ay ka door bideen inay helaan lammaane jecel, waxaanu qoraaga buuggani hoosta ka xarriiqay in dumarku jaceylka u baahan yihiin sida ay qaadashada hawada ugu baahan yihiin.

Geeska Kale Daraasado laga sameeyay gudaha dalka Maraykanka, ayaa iftiimiyey in raggu aad u jecel yihiin magaca weyn iyo lacagta, halka dumarkuna inta badan ku hamiyaan inay helaan nin aad u jecel oo kaliya.
Ugu danbeeyntii Marka buuggan iyo daraasadahan la isku eego waxa soo baxday in raggu aad u jecel yihiin sharaf iyo karaamo bulshadu ku qadariso, halka haweenkuna wax kasta ka door-bidaan in ay helaan Nin aad u jecel oo noloshooda macaanteeda tusin kara.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada