Daawo Video:- Maafiyada dalka Talyaaniga ugu qatarsan oo magaalada New York ee wadanka Mareeykanka looga yaabsaday

Daawo Video:- Maafiyada dalka Talyaaniga ugu qatarsan oo magaalada New York ee wadanka Mareeykanka looga yaabsaday

daajis.com:-FBI-yada Mareeykanka oo dhanka baaritaanada dambiyada gacan loogu taagay ayaa waxeey guryaha ugu dhaceen Maafiyada ugu qatarsan Caalamka kuwaas oo ka soo jeeda dalka Talyaaniga balse ka shaqeeysta wadamo badan oo Caalamka ku kala yaal. 


Maafiyadaan oo loo yaqaan (Ndrangheta) waxeey Daroogada ku soo cabeeyn jireen ama ku soo dhex qarin jireen qudaarta Cananaaska iyo Qumbaha kuwaas oo ka kala keeni jiray jasiirada Gioia Tauro oo ku taala dalka Talyaaniga iyo wadamo kale oo ku yaala Laatiin America. 

Ragaan tuugada ah oo sidoo kale farsameyn jiray Lacago bug ah ayaa iminka waxaa ka yaabsaday oo markii ugu horeeysay si wada jir ah iskula shaqeeyay ciidamada FBI-yada Mareeykanka iyo booliiska Talyaaniga oo mar quraah weeraro ku asqeeyay guryihii ay degnaayeen tuugadaan Maafiyada ah kuwaas oo ku kala yaalay gudaha dalka Talyaaniga iyo magaalada New York ee wadanka Mareeykanka. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada