Alhu Sunna oo sheegtay in dowlada ay isku afgaran waayeen qeyb qobobada ay ka wada hadleen

Alhu Sunna oo sheegtay in dowlada ay isku afgaran waayeen qeyb qobobada ay ka wada hadleen

daajis.com:-maamulka ahlu Sunna Wajamaaca oo shaaciyay in wafdiga dowlada federaalkaa oo ku sugnaa Dhuusa-mareeb ay is fahmi waayeen.

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe  ayaa sheegay in wafdiga dowladda oo sugna magalad Dhuusa-mareeb  ay u soo bandhigeen qodobo dhowr ah oo aanan u cuntamin oo filin waana ku noqotay  dadka deegaan gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca Axmed Cabdullahi Ilka Case   ayaa sheegay in loga fadhiyo xukuumada federaalka Soomaaliya in ay  raali gelin ka bixiso hadala meel ka dhaca ah oo ay ula timi maamulka ehlu sunna waljamaaca.

Guddoomiye xigeenka Fulinta Ahlu Sunna oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in wafdigii wasiirrada iyo xildhibaanada ka koobna ee dowladda ka socday ay isla qaadan waayeen  qodobada intooda badan.

 “waxaan caddeyneynaa  in Dowladda Soomaaliya aan is afgaran waynay sababo la xiriira qodobada ay inoola yimaadeen kuwaasoo Ahlu Sunna iyo deegaankaba aanna dani ugu jirin” ayuu  yiri gudoomiye ku xigeenka  fulinta ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegtay in la dagaalanka  Alshabaab ay ku filantahay lakinn fulinta dagaalka Alshabaab lagu ciribtirayo ay ka horreeyaan fulinta waxyaabaha ay dowlada iyo beesha caalamka u balan qaaday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada