Daawo Sawirada:- Abaanduulaha ciidamada Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray iyo meydad askar oo la dhoofiyay

Daawo Sawirada:- Abaanduulaha ciidamada Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray iyo meydad askar oo la dhoofiyay

daajis.com:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jabuuti General Zakariah Sheikh Ibrahim kaas oo ay garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyeen wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh iyo madaxa ciidamada AMISOM General Silas Ntigurirwa.


Abaanduulaha ayaa booqday dhaawacyadii laga keenay magaalada Buuloburde ee ku jira isbitaalka AMISOM ee Xalane, waxaana uu ka tacsiyeeyay askartii kaga dhimatay weerarkaasi Buulburde.

Dhanka kale diyaaradii keenta abaanduulaha ayaa waxaa lagu qaaday meydadka lix ka mid ah askarta reer Jabuuti  ee ku dhimatay weerarkii habeen hore ka dhacay magaalada Buulourde kaas oo ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.


Waxaa lagu wadaa in uu u baqoolo magaalada Baladweyne halkaas oo saldhig u ah ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah daladda AMISOM.



 FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada