daajis.com:-Xaflad ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland, laguna taageerayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab"isla markaana lagu sagootinayay Guddoomiyihii hore Maxamuud Axmad Nuur "Tarsan"ayaa ka dhacday magaalada Denhaag.
Munaasabadan oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, taasoo si weyn loo soo agaasimay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay waxyaabo muujinayay waxqabadka Muungaab, iyo guddoomiyihii hore Tarsan, suugaan iyo ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka.
Guddoomiyaha Qaban qaabada shirka Inj. Axmadeey Maxamuud oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in munaasabadani ay tahay mid lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha cusub Jen. Muungaab, laguna sagootinayay Guddoomiyihii hore Mudane tarsan.
Dr. Xuseen Wadaad oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay xafladan ee ka yimid dalka Swedan ayaa hadal kooban oo uu goobta ka jeediyay kaga hadlay muhiimada ay leedahay in la muujiyo taageerada madaxda Soomaalida, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay astaamihii lagu soo xushay Muungaab iyo kartida uu u leeyahay xilkan, isagoo dadkii kasoo qeybgalayna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan wanaaga iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Drs.Xamsa Sheekh Xuseen "Ha Noolaato" ayaa sheegtay in Muungaab maanta u baahan yahay in la taageero, si loo gaaro caddaalad iyo horumar bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Banaadir ku tallaabsato.
Dadka khudbadaha soo jeediay oo aad u tiro badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen "Nuurcadde"oo khadka isgaarsiinta kaga qeyb qaatay.
Munaasabadan ayaa dhanka kale waxaa barbar socday qoob ka ciyaar isugu jiray hiddo iyo dhaqan, iyo muusik.
Ugu danbeyntii waxaa xaflada soo gunaanaday Sheekh Muuse Cadde oo duco iyo dardaaran diini ah kusoo gabagabeeyay xaflada lagu taageerayay Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka, laguna sogootinayay Tarsan.
DAAWO SAWIRADA:-
T

























FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:57 and have

